|

LAASCAANOOD: Munaasibadda 18-MAY Oo Si Wayn Looga Xusay iyo Dad Ku Dhaawacmay

Laascanood,18,5,2016 (QJ/SDN) – Dabaal-dagga Maalinta 18-ka May ayaa Laascaanood lagu qabtay Maanta, Waxaa ka Qayb-galay xubnaha ka tirsan Xukuumada,  Baarlamaanka, Guurtida,  Maamulka Gobolka, Degmada iyo dad kala duwan, iyadoo lagu soo bandhigay khudbado iyo Madadaalo kala duwan.

Munaasibadda oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka waxaa hadalo kala duwan kasoo jeediyey Mas’uuliyiin kala duwan oo ka mid ah Qaybaha maamulka Gobolka, Waxayna ka hadleen Xafladda iyo miisaanka ay u leedahay Somaliland.

Gudoomiyaha Gobolka Sool, Mustafe Cabdi Shiine oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in gobolka haatan loo soo jeedo sidii loo horumarin lahaa, isagoo sii Qeexayana wuxuu sheegay in ay haatan garoonka kubadda Cagta la dhigayo roog, wadooyin cusubna ay samaynayaan.

Wasiirka Shaqadda iyo Shaqaalaha Cali Sandule oo halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu ku dheeraaday in amniga gobolku yahay mid aad u wanaagsan isagoo xukuumadda ugu baaqay in ay la timaado waxqabad muuqda.

Wasiirka Biyaha Baashe Cali Jaamac oo gabagabadii halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu uu sheegay in maamulku uu u soo jeedo sidii uu gobolka wax ugu qaban lahaa, bulshaddana looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan amaanka iyo horumarka.

“Waxaan wadnaa Gurmad aan ugu Talo-galay dadkii Dhibaatadu kasoo gaadhay musiibadii duufaanta ee ka dhacday degmada Taleex,” ayuu yidhi Baashe Cali, isagoo hadalkiisa ku sii daray in dhibka soo gaadha dadkooda ay dareen feejigan u qabaan.

Munaasibadan oo ku soo dhamaatay si deggen iyo jewi ay ka Qayb-galayaashii ku faraxsan yihiin ayaa waxaa dhallinyaro cadheysan ay rabshado kala hortageen dadkii watey astaamaha Somaliland.

Ciidamadda kala duwan oo dadaal ugu jiray sidii ay u xakamayn lahaayeen rabshooyinka ayay u muuqatay mid ugu danbayntii noqota gacantooda ka balaadhatay taas oo sababtay in dad badani ku dhaawacmaan.

Dhanka kale, 18-ka May oo ah maalinta gooni isku-taagga Somaliland ayaa sanad kasta magaaladda Laascaanood ay sabab u noqotaa rabshooyin waxyeelo keena taasoo badanaa ay dadka deegaankaasi ay u astaysteen maalintan maalin nadaafadeed waqti haatan laga joogo 11 sanadoo xiligaas oo maamulka Puntland uu ka talin jirey.

Ugu dambeyntii, weli si dhab ah looma hayo dadka dhaawacu soo gaadhey waxase isbitaaladu ay sheegayaan in 7 ruux oo dhaawax ah ay soo gaadheen halka qaar kalena farmeysiyadda  lagu daaweynayo, halka qaarna ay dhici karto inaan meela la geyn.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada Munaasibaddaasi;

LL2L3L4L5L6

Comments are closed