Laascaanood: Khasaaraha ka dhashay mudaharaad salka ku haya go’aankii Sheekh Shariif ee Maamulka Khaatumo State iyo go’aanka maamulka gobolku ka soosaaray
Laascaanood 07, March 2012 (Qurbejoog.com)- Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen mudaharaad rabshado wata oo saacado badan oo maanta ah ka socday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Sida uu shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com u sheegay weriye Maxamed Shaqale oo ku sugan magaalada Laascaanood, waxa abaaro 9:00 habeenimo ee xalay ka bilaabmay magaaladaas dibad-bax loogu dabaal-degayo go’aan uu Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed doraad ka soosaaray maamulkii lagaga dhawaaqay shirkii ay dhowaan beesha gobolka Sool ku yeesheen degmada Taleex ee gobolkaas, kaasoo uu sheegay inuu u aqoonsaday maamul-gobolleed ka tirsan Soomaaliya.
Weriyuhu waxa uu sheegay in taasi sababtay in dabaal-degyadaasi socdaan ilaa maanta, isla markaana isku-dhacyo dhexmaraan dadweynaha iyo ciidanka amaanka Somaliland ee Laascaanood. “Maamulka gobolku wuxuu soosaaray in laga bilaabo 4:00 galabnimo ilaa 6:00 subaxnimo magaalada Bandoo lagu soo rogay, dadkuna go’aankaas way diideen, taas baana sababtay in mudaharaadka ay rabshado ka dhashaan,” ayuu yidhi.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in hal qof ku dhintay, 4 kalena ku dhaawacmeen rasaas ay ciidanka Boolisku rideen intii ay socotay qulqulatooyinka ka dhacay Laascaanood. “Ilaa imika (6:45 fiidnimo) waxa dhacaysa rasaas, magaaladana qayb ka mid ah Bandooga uu maamulku soo rogay way ka dhaqangashay,” ayuu hadalkiisa raaciyay weriyuhu.
Waxa uu sheegay in dibad-baxyadan ka dhacay Laascaanood ee rabshadaha dhaliyay ay sidoo kale ka dambeeyeen markii uu hoggaamiyaha kooxda la baxday Khaatumo State Mr. Axmed Cusmaan uu dadweynaha degaamadaas ugu baaqay inay sameeyaan saddex maalmood oo loogu dabaal-degayo go’aanka Madaxweynaha TFG ku aqoonsaday maamulkaas Taleex lagu dhisay.
Qurbejoog.com, Laascaanood
editor@somalidiasporanews.com