Laascaanood Dibad bax lagu Taageerayo Maamulka Cusub ee Khaatumo oo Maanta ka Dhacay iyo Ciidamada oo Xabsiga Dhigay ilaa Afartan Dhallinyaro ah
Laascaanood 15.Aug 2014 (SDN/QJ)- Waxa Magaalada Laascaanood Ee Xarunta Gobolka Sool Ka Dhacay Dibad-Bax Lagu Taageersan Yahay Doorashada Maamulka Isku Magacaabay Khaatumo Ay Ku Doorteen Hogaan Cusub Kaas Oo Ka Socday maalmihii u danbeeyay Deegaanka Saax-Dheer Ee Gobolka Sool.
Dibbad-Baxan Ayaa Sababay Iska Horimaadka Dadka Dibad-Baxayey Iyo Ciidamada Amaanka Ee Magaaladaasi Ka Dib Markii Ciidamada Amaanka Ay Isku Dayeen In Ay Hor Istaagaan Dadkaasi Dhigayey Dibbad-Baxa Ay Taageerada Ugu Muujinayaan Maamulka Khaatumo.
Gaashaanle Dhexe C.raxmaan Nuur Colhaye oo ah Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool ayaa sheegay inaan Magaalada looga baahnayn Cid rabshad nabadgalyada Saamayn ku yeelata ka samaysa waxaanu xusay in Ciidanka Booliska oo Kaashanaya Ciidanka Qaranku ay soo qabqabteen ilaa afartan dhallinyaro ah oo Mudaharaadka dhigayay.
Xaalada Magaalada Ayaa Hadda Si Caadiya Ku Soo Noqotay Ka Dib Markii Ciidamadu Bileyska Ay Ka Hawl-Galeen Sidaasna Waxa Sheegay Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Bileyska Ee Magaalada Laascaanood Oo Yidhi Sidan:-“ “Xaaladdu Waa Caadi Iminka Way Kala Degentahay, Wax Dhibaato Ahi Ma Jirto, Waxaase Magaalada Ku Jira Guuxa Iyo Hadal Haynta Loogu Hanqal Taagayo Doorashada Madaxweynaha Cusub Ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh Oo Shalay Lagu Doortay Magaalada Saax-Dheer.
Magaalada Ayaa Lagu Soo Waramayaa In Uu Ka Jiro Dhaq-Dhaqaaq U Muuqda In Taageero Loogu Muujinayo Dagaal Ooge Cali Khaliif Galaydh Oo Maanta Loo Doortay Madaxweynaha Maamulka La Baxay Khaatumo.
Laascaanood SDN/QJ
contact@qurbejoog.com