Laanta Socdaalka Somalia Oo Dacwad Ka Gudbisay Mudane Baarlamaan Oo Qoraal Bahdilaad ah Ka Gudbiyey Baasaboorrada Soomaliga ah
Muqdisho:Mar,13,2015(SDN/QJ)-Wararka Magaalada Muqdisho naga soo gaadhaya, ayaa sheegaya in Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia ay Guddiga Anshaxa Baarlamaanka Somalia u gudbisay Dacwad xaasaasi ah oo ka dhan ah Mudane Baarlamaanka katirsan.
Mudanaha Dacwaddaas algu soo oogay, ayaa magaciisa lagu sheegay Xildhibaan Barre, waxana la sheegayaa inuu Gudbiyey Qoraal hoos loogu dhigay Meeqaamka Baasaboorka Somalia.
Xildhibaan Cabdi Barre waxaa lagu eedeeyay inuu warbixin been abuur ah u diray Gudigga dabagalka Qaramadda Midoobe ee arrimaha Somalia ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SEMG.
Warbixinta ayuu Xildhibaan Cabdi Barre ku sheegay inuu Baasaboorka Somalia yahay mid been abuur ah sidaas darteedna aan lagu bixin karin Visaha.
Xogta uu bixiyay Xildhibaan Barre waxaa ugu xasaasisan in Baasaboorka Somalia ee diblomaasiga ay wataan Burcad badeed iyo argagixiso taas oo sababtay in Caalamka diidaan.
UN Monotering Group ayaa warbixinta Xildhibaan Cabdi Barre kadib beesha Caalamka u sheegay inuusan Baasaboorka Somalia aheyn mid sax ah.
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia waxa ay gudigga anshax marinta Baarlamaanka weydiisteen in xasaanadda laga qaado Cabdi Barre si loo Maxkamadeeyo.
Guddigga anshaxa Baarlamaanka oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay in dacwada Xildhibaan Cabdi Barre oo haysta dhalashada Mareykanka loo gudbiyay 10 March 2015.
Si kastaba ha ahaatee, Gudigga anshaxa Baarlamaanka waxay sheegeen in dacwadda Cabdi Barre ay baarlamaanka horgeyn doonaan marka uu dib isugu soo laabto.
SDN/QJ