Laamaha Xisbiga UCID ee gobolka Alberta Canada oo wacdaro soo bandhigay(SAWIRO)
Edmonton Jan 04,2014(SDN/QJ)-Shirweynahii laamaha xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID ee gobolka Alberta Canada , ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaalada Edmonton. Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaan madaxda laamaha kala duwan ee xisbiga Ucid ee gobalka Alberta. Waxaa kale oo iyaguna kazoo qayb galay xubno ka socda masuuliyiinta xisbiga Ucid ee goblka Ontario gaar ahaan caasimada Canada ee Ottawa. Waxa iyaguna goob joog ahaa dadwayne fara badan oo ka mid ah jaaliyada Somaliland ee gobalkan Alberta
.
Shirkan oo ahaa mid si aad u qurux badan loosoo agaasimay lugana qabtay Rossylyn Hotel ayaa ujeedadiisu ahayd dardargalinta hawlaha xisbiga ee gobalka iyo waliba mid loogu gogol xaadhayo u diyaar garoowga safarka la filayo inuu dhawaan gobalkan Alberta ku yimaado wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo musharax jagada madaxwaynaha ee xisbiga Ucid mudane Jamaal Cali Xuseen. waxa ugu horeyn halkaa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka xisbiga Ucid ee gobalka Alberta mudane Kamaal Cali Jire isaga oo faahfaahin ka bixiyay
muhiimada ay leedahay soo dhawaynta wafdiga balaadhan ee kusoo wajahan gobalkan Alberta. Mudane kamal waxa uu ku adkeeyey dhamaan bulshada Somaliland ee gobalkan dagani inay u diyaar garoobaan soo dhawynta wafdiga inooga iman doona wadankii maadama ay yihiin madax qaran loona baahan yahay in si heer qaran ah loosoo dhaweeyo.
Waxa kale oo iyaduna halkaasi ka hadashay gudoomiyaha garabka haweenka xisbiga Ucid ee qaarada North America marwo Caasha Koosaar iyada oo dhinacooda sheegtay in guud ahaan haween waynaha Somaliland ee gobalka gaar ahaana kuwa xisbigu ay aad uugu diyaar garoobeen soo dhawaynta wafdiga kusoo wajahan gobalka.
Agaasimaha waaxda dhaqaalaha ee xisbiga mudane khaddar Cali Omaar ayaa isaguna shirkaasi ka sheegay baahida loo qabo ka qaybqaadashada tageerida xisbiga ee dhinaca dhaqalaha maadaama oo aynu nahay qurba joogii dalka oo aynu kasoo baxno kaalintii aan waligeenba kaga jirnay taageerada dalka iyo dadkaba.
Waxa kale oo shirka ka hadlay marti sharaf badan oo uu kamid ahaa Oday Maxamed Isxal oo kamida Madasha wadatashiga iyo toosinta Somaliland sheekeeyey dhibaadada kajirta wadankii iyo sida loogu baahanyahay is badal runa iyo inay taageeridoonan xisbiga ucid .
Uugu danbayntii shirkaasi waxaa ka hadlay afhayeenka xisbiga Ucid ee gobalka Alberta mudane Maxamuud Qorri oo ka hadalay siyaasada xisbiga ucid iyo barnaamijka siyaasaded ee uu dalka ku hagidoono hadii illahay ku guuleeyo talada dalka Insha allah iyo murashaxiinta da,da yare e hadaan hogaanka u haya ahna kuwii u horseedi lahaa is badal dhaba ee ummada reer Somaliland oo u haraadantahy iyo isbadal runa Change iyo barnaamijka xisbiga ucid oo ah ladagaalnka qabyaalada ,musuqmaasa maamulxumada, iyo cadaalad darta ragaadisay wadankii waxa kale oo fariin cad udiray
Xukuumada talada haysa inay dorashada wakhtigeeda qabto oon maalin loogu darin marka uu wakhtigu kadhamaado ,waxa kale oo uu waxa kale oo uusheegay in dhawaan xafalad aadweyn kusoo dhaweyndoona taageerayaal miisan culus ku lahaa xisbiyada Kulmiye iyo Wadanni oo kusoobiiridoona xisbigada cadaalada iyo daryeelka ee UCID .
Guntii iyo gabagabadii xafladaasoo ku dhamaatay jawi aad u qurux badan looguna baaqay shacabka reer soomaliland nabada iyo mudinmadooda gudo iyo dabadba.
By Mohamed Saciid
EDMONTON ALBERTA