Laamaha Amaanka Somaliland oo Hawl galo baadhis ah ka fuliyay Huteelada Caasimada Hargaysa iyo Dad lagu soo qabqabtay
Hargeysa, 30 March, 2015 (SDN/QJ)- Hawlgal balaadhan oo xalay ciidamada laanta Socdaalku ka fuliyeen guud ahaan hudheelada la seexdo ee dalka ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro aan la shaacin oo ka mid ahaa dad loo tegay goobahaa.
Xogo wargeyska Himilo oo aanu Warkan ka soo Xiganay uu ka helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in hawlgalkaa oo biaabmay saacadu markii ay ahayd todobadii habeenimo xalay uu socday muddo shan saacadood ah, isla markaana wakhti keliya laga wada bilaabay guud ahaan Hoteellada la seexda ee ku yaala magaalooyinka waaweyn ee dalka.
Hawlgalka ciidamada laanta Socdaalka Somaliland fuliyeen oo la sheegay inuu gadhwadeen ka ahaa Taliyaha Laanta Socdaalka G/sare Maxamed Cali Yuusuf (Ina-cambaro) iyo masuuliyiinta kale ciidamada ayaa la sheegay inuu la xidhiidhay ilaalinta amaanka guud ahaan Somaliland oo ciidankani u xilsaaran yahay la socodka iyo ka warheynta dhamaan dadka ka soo gala xuduudaha kala duwan ee dalka iyo kuwa gudaha jooga ee adeegsada goobaha la seexdo ee dalka.
Ciidamada laanta Socdaalka oo hawlgalkii xalay la sheegay inay ku soo qabqabteen tiro badan oo dad ah oo aan haysan shuruucdii looga baahnaa, sida fiise-dal-ku-gal kuwooda ka yimi dalka dibadiisa ama kaadhka diiwaangelinta madaniga ah, kuwa magaalooyinka kale ka soo socdaalay ayaa dhamaantood la sheegay in loo qaaday xarumaha ciidamada Laanta Socdaalku ku kala leeyahiin magaalooyinka dalka, si baadhitaano dheeraad ah loogu sameeyo.
Xubno ka mid ah masuuliyiinta hudheelada la seexdo ee xalay hawlgalada baadhitaanada ay ku sameeyeen ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland, ayaa u sheegay wargeyska HIMILO inay dhaqangeliyeen go’aamo Laanta Socdaalka Somaliland ku amartay inaanay ogolaan seexashada hudheelada cid aan wadan kaadhka aqoonsiga muwaadinnimada Somaliland, ama fiise sharci ah oo dalka uu ku soo galay, isla markaana si joogto ah ugu gudbiyaan warbixinada cid kastoo ay ka shakiyaan macluumaadka ay sitaan.
Warku waxa uu intaas ku daray in ciidamdaa ammaanku hawl-gallada ku soo qab-qabteen ilaa Shan Qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobollada Koonfureed ee Soomaaliya, kuwaas oo dhammaantood laga qab-qabtay gudaha magaalada Hargeysa. Haseyeeshee, wararka la xidhiidha hawl-galkan ciidamada ee xalay oo lagu tilmaamay kii ugu ballaadhnaa ee Laamaha Ammaanku sameeyaan, nooma suurta-galin inaanu helno xogo xaqiijinaya tirada dadka lagu qab-qabtay hawl-gallada Ciidamadu ka fuliyeen magaalooyinka kale ee gobollada dalka.
Ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland oo hore wakhtiyo kala duwan hawlgalo aan hore loo sii ogeyn u sameeyey, ayaa kii xalay ku soo beegmaya maalin ka dib markii weerar dhimasho iyo dhaawac geystay maleeshiyaadka Al Shabaab ka geysteen hudheel ku yaalay magaalada Muqdisho ayaa noqonaya mid wax weyn ka tara ilaalinta nabadgelyada guud ahaan dalka.