Laacibkii Reer Spain Rafeal Nadal oo wareegii Hore (First Round) Lagu Feentey. By Jaahuur.
London-June-24-2013-qurbejoog.news.com-Ottawa- Akhyaartay faaqidaadeena ciyaaraha waxaynu ula haajireynaa xagaaiyo cariga Ingiriiska oo uu manta ka furmey Wimbledon Grand Slam.
Saaxiibayaal koobabkan lagu magacaabo Grand Slam ayaa mid kastaaba wataa magacyo kala gooni ah sida Wimbledon,Usa Open,France Open,Australian Open, iyo wixii soo raaca oo kale,waxaana ka soo qaybgala ciyaarto badan oo ka kala yimaadda aduunka daafihiisa Gabdho iyo Wiilalba.
Haddaba Wimbledon oo manta ka furmey carigaa Ingiriiska caasimadiisa London wareegii kowaad (First Round) ayaa waxaa dhacay waxaan dadweynaha ciyaaraha jecel siiba Tenista aynan filaneynin oo layaab ku noqotey,markii Rafeal Nadal oo loogu yeedho The King of Clay lagu khaarijiyey wareegii kowaad First Round horeyna umey dhicin.
Waa kuma mucjisadan la degtey Nadal,waa ciyaaryahan u dhashey Belgium laguna magacaabo Steve Darcis,wuxuunx aduunka kaga jiraa no-135-aad Tenista,waligiina kumuu salaaxin wax koob ah ama Grand Slam.
Ciyaartii dhexmartey Nadal iyo Steva oo aad u xiisa badneyd ayaa layaab ku noqotey dadweynihii daawanayey iyo kuwii talafeshindadaba markii uu Nadal badinwaayey hal set oo kaliya ( ONE SET) waxaana loogu awood sheegtey saddex set oo xiriir ah ( 7-6-7-6-6-4).
Haddaba Asxaabtay laba wig unbaa ka soo wareegtey markii uu nadal ku guuleystey France Open oo ahayd markii sideedad ee tallow muxuu qoonsadey?.
W/ qorey Jaahuur
qurbejoognews.com