La Yaabka Caalamka:Siyaasi Diiday Mushahar Kordhin loo sameeyay
Westville June 08,2013(SDN)-Duqa magaalo yar oo ku taal dalka Canada ayaa noqday siyaasigii u horeeyay ee caalamka ka hor yimaada mushahar kordhin.
Roger Mackay oo ah duqa magaalada Westville ee gobolka Nove Scotia ayaa dhawaan ay golaha degaanka ee magaaladaasi ay isugu codeeyeen mushahar kordhin.
Mayorka ayaa si badheedh ah u diiday in uu aqbalo mushahar kordhintan ay golluhu ansixiyeen.
Waxa iyana la yaab sii noqotay in mushaharkan loo kordhiyay Duqa magaalada Westville in aanu xitaa aheyn mid sidaa u sii buuran.
Gollahadegaanka ee Westville ayaa isu kordhiyay mushahar sanadii gaareysa ilaa $500 oo dollar oo aan sidaa u sii badaneyn.
Roger Mackay ayaa diidmadisan ku micneeyay in uu hore u balan qaaday in uu dheeli tiro miisaanayada magaaladaasi.
Si kastaba ha ahaatee siyaasigan ayaa noqday kii u horeeyay ee sidan oo kale u diida mushahar kordhin loo sameeyo mudo aad u dheer.
SDN-Westville
contact@somalidiasporanews.com