|

La Xisaabtanku (Accountability) Waa Mid Ka Mid Ah Tiirarka Dowlad Wanaaga.

Dhamaantiin waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka   ASC WR WB.bacda salaan waxa mahad oo dhan iska leh allah,ina siiyey dhamaan nimcooyinka aan lasoo koobi Karin.

waxaan jeclaystay inaan qalinka u qaato maqaal aad u muhiima oon ah in la xisaabtanku yahay tirarka ugu muhiimsan dawlada wanaaga(good governance)

Goor aan sidaa u fogayn waxaan shabakadaha wararka ka daalacday qoraal uu ujeedadiisu daaranaa in shaqaale ka tirsan wasaaradda xanaanadda xoolaha kaga cabanayaan in mushaharkii laga joojiyey.

Akhriste bal is weydii waa maxay sababta mushahar loo xayiraa???

Caqliga saliimka waxa uu ku tusayaa inaan qof soo shaqo tagay oo dhawraya dhamaan masuuliyadihiisa ku aadan waajibaadkiisa shaqo in aan cidna mushahar ka joojinayn in la dhirigaliyo mooyee laakiin dariiqa ku salaysan diinteena suubban ayaa ina faraya in qofku ka soo baxo masuuliyada la saaro.hadii uu qaban kari wayna uu iska wareejiyo oo uu booska u baneeyo cidii hanan karta  si shaqadiina u yeelato dardar  loona gaadho hadafka qarankani leeyahay.

hadaba waxaan bogaadinayaa hab la xisaabtankan ku ugubka Somaliland ee wasaaradda xanaanada xoolahu ay bilaabeen oo ay hormuud u yihiin wasiirka,w/ku/xigeenka,wasiirru dawlaha iyo agaasimaha guud oo qaadanaya doorka ugu adag ee fulineed.qaabkan oo ah in shaqaalaha ciddii iman wayda in  mushaharka laga joojiya inta laga soo cadaynayo xaalkooga taas bedelkeedna waxa la dhirrigalinayaa shaqaalaha waajibaadkiisa gudanaya.

iyadoo dhalinyarrada Somaliland 90% shaqo la aan yihiin,in haddana qof laba shaqo isku hayo oo uu ka mushahar qaataa xafiis dawladeed waa shay inugu ceebba,madaama oo xafiisyada dawladu yihiin role modelka bulshadeedna.  haday taasi dhacdana dhamaan hawshii wasaaradda ay noqonayaan mid laga mashquulo waayo maahmaah soomaaliyeed baa ahayd (laabi laba u la).

Waxaan aad ugu Amaanayaa Agaasimaha Guud Mudane  Jaamac Maxamed Oodawaa oo hab fuulineed ku dhiiraday aan badanaa looga baran wasaaradaha taas oo ah la xisaabtanka shaqaalaha oo ah tiirarka dawlada wanaagsan.

Waxaan madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ku Amaanayo in soo magacaabay Agaaasime Guud Jamaac Maxamed Oodawaa oo dhamaan  bulshadu ku mahadisay doorkiisa maamuul ee wasaarada xanaada xoolaha taasna waxaa inoo muujinaya isbedelka baaxda leh ee ka muuqda wasaarada xanaanada xoolaha dhinac kasta oo ay tahayba.    mana ah shaqsi ka mudan Somaliland in la yidhaahdo waa qof ku suntan qabyaalada  I.W.M.

ee waa muwaadin ku suntan cadaalad iyo maamuul wanaag.

Guntii iyo Gebogebadii waxaan ku dhirrigalinayaa in wasaarada xaananada xoolaha inay sii wadaan qaabkan curdinkaa ee ka hana-qaaday wasaaraddaas taas oo ka turjumaya dumqradiyada iyo sifaha maamul wanaaga daawilaga ah.

Waxaan  filayo inay ku daydaan dhamaan laamaha kala duwan ee dawaladu si ay shaqada ummada u hayaan u noqoto mid ka fayoow dhamaan dhaliilaha kala duwan  taas oo  gaadhsiinaysa qaranka hamiga iyo hiigsiga uu lahaa.

 

 

ALLAH MAHAD LEH.

 

WA Billahi Tawfiiq

QORAA: – Maxamed Cabdilaahi Cige (Garaadka)

madadaal222@gmail.com

Hargeisa. Somaliland

Comments are closed