|

La Taliyihii Madaxweyne Siilaanyo ee Gobolada Bari Fu’aad Aadan Cade oo Bawdada ka Jabay Kadib Markii Madaxtooyadda uu Gaadhi ku Jiidhay

Hargeysa:April,15,2015 (SDN/QJ)- Gaadhi Madaxtooyada dhexdeeda Marayey, ayaa dhaawac u geystay La-taliyihii Madaxweyne Siilaanyo ee Arrimaha Bariga Fu’aad Aadan Cadde, waxana ay waxyeello kasoo gaadhay Bawdada Bidixda oo uu ka Jaban yahay, sida uu qaar kamid ah warbaahinta u sheegay.

Fu’aad Aadan Cadde isaga oo la Hadlayey Wariye Khadar Macallin oo Bulsho Tv katisan, ayuu faahfaahin ka Bixiyey sida dhaawacu u gaadhay iyo beerka ay gaadhsiisan tahay Dhibaatada soo gaadhay,

Gaadhi ayaa i jebiyey oo dhakhtarka ayaan aallaa, baabuurkaasna waxa lahaaa nin dhalinyaro ah oo isaga oo dib u soo baxaya ayuu i jiidhay, mana ahayn ka maayirka oo waxa lahaa nin dhalinyaro ah, waxaanan wax ka qabaa bawdada xaga bidixda oo wanan jabanahay, xukuumaddu way iga war haysaa oo dhakhtarka ayaan allaa, shilkaasina si kedis ah ayuu iigu dhacay shilkaasi” ayuu yidhi La Taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Bariga Dalka Fu’aad Aadan Cadde

Fu’aad Aadan cadde, ayaa sida uu xaqiijiyey qaba Jabniin kasoo gaadhay Bawdada Bidixda, waxana uu tilmaamay inay Xukuumaddu kaga warhayso Cisbitaalka Gargaar oo uu haatan jiifo.

Berbera SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed