|

La Taliyaha Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka Wax laga Xumaado ku Tilmaamay Sida Mareegta Cakaara ay u dhalan rogtay Qoraalkii uu iskaga Casilay Tifaftiraha HCTV

Hargaysa 24.June 2016 (SDN/QJ):-          Suxufiga Ruug Cadaaga ah ee C.laahi Aadan Cumar Wayab Wakhtigana ka Mid ah La Taliyeyaasha Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Somaliland ayaa ka hadlay Qaab Khaldan oo Mareegta Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya u dhalan rogeen Mar uu iska Casilay Tifaftiraha Guud ee Telefishanka HCTV.

wayabQoraal uu soo saaray C.laahi Aadan Cumar Wayab oo Nuqul ka mid ahi Xalay Soo Gaadhay Shabakada Qurbejoog ayaa u dhignaa Sidan ‘’Waxan aad iyo aad uga xumahay sida fawaaxishka ah ee ka baxsan akhlaaqiyaadka Saxaafadda iyo suxufigaba ee ay  mareegta la yidhaa [CAKAARANEWS] u dhalan rogeen istiqaaladdaydii HORN CABLE TV, iyadoo ujeeddada qofka qoray > daliil uga dhiganayey  cay iyo aflagaado qaawan oo ay si > badheedha ugu weerareen Mulkiilaha HCTV  Mr, Farxaan Xaaji > Cali, taasoo markaan akhriyey aan u arkay mid ka baxsan  edaabta qoraalka ee is-dhaliilka,, dhaqanka iyo diinteena suubanba.

Horta qofka ku saxeexan qoraalka ku soo baxay shabakaddaas,waxay ahayd hadduu soo xiganayo istiqaaladdaydii inaanu ka been sheegin wixii aan ku sababeeyey isagoo u dan leh maagista Mulkiilaha HCTV.  Qoraalkaygii koobnaa ee la  xidhiidhay istiqaaladda meel allaale meel aan kaga xusnayd ma jirin oo tilmaamaysay inuu Qabyaalad ku shaqeeyo ama wararka uu been abuuro.

Waxa fool xumo ah iyo wanjal ah inaad qof nool oo soo taagan ku been abuurato oo aad kula xoqato dan iyo ujeeddo kuu  gaara, isla markaana ku dhalan rogto qoraalkaa istiqaaladda oo dhammaan dadkii akhriyey ay garanayaan inaad ka sheegtay  qoraalkaa. Sidaa darteed waxan halkan ku caddaynayaa in  dhammaan waxa lagu baahiyey shabakadda Cakaaranewsee lagu  xusay magacayga [Cabdillaahi Adan Cumar -Wayab] ee lagu sheegay asbaabihii istiqaaladdaydii HCTV ay dhammaantood been yihiin oo aanu xataa erat run ahi kaga jirin, marka laga reebo erayga istiqaaladda.

 

Talo ahaan waxan usoo jeedinayaa kuwa ku maxaafsada munaafaqadda iyo ka been abuurka dadka xishmadda mudan inay ka waantoobaan sheegista waxan jirin oo uu kaw ka yahay ninka ku qoran qoraalka toddobaadkan lagu baahiyey shabakadda CAKAARA, sidoo kalana ay dadka haya mas’uuiyadda  Mareeguhu iska hubiyaan oo ay tifaftiraan qoraallada noocan oo kale ah ee cid lagu fade exadaynayo.

Tusaale: Waxa waajib ku hayd Tifaftiraha Mareegta CAKAARANEWS, inuu la soo baxo istiqaaladdii aan qoray oo laga heli karo shabakadaha Somaliland badankooda, kadibna isku eego waxa loo soo qoray  iyo taan qoray, ka hor intaanu iskaga shubin, waxanse imika u arkaa oo kaliya in CAKAARANEWS KULA SOCOTAY OO AY RAALI KA AHAYD BEEN ABUURKAA SI LOO RUMAYSTO BEENTOODA.

QORE: Cabdillahi Adan Cumar (Wayab)

Comments are closed