|

La Taliyaha Boqorka Sucuudiga oo Daboolka Ka Qaaday in aan Qof Muslim ah dalkiisu u Diidayn inuu Yimaado Xaramka si uu u Guto Rugni Diini ah

Riyadh 16. June 2017 (SDN/QJ):- Amiirka Mandaqada Al-maka al-mukarama ahna la taliyaha Boqorka dalka Sucuudiha Amiir Khalid al-faysal ayaa sheegay inaanay jirin haba yaraatee Qof Muslim ah oo dalkiisu u diidey inay yimaadaan Xaramka kuna cibaadeystaan.

Amiir khaalid Waxa kale oo uu sheegey inay Taakuleeyan isla markasina ay siiyaan wixii adeeg iyo hawl-fudeyna dadka muslimiinta ah ee u imanaya  Xaramka Barakaysan iyo Goobaha kale muqadasaadka iney ku Cibaadaystaan.

 

Amiir khaalid Al-faysal Amiirka Mandaqada Maka al-almukara Waxa  kale oo uu intaa raaciyey in Bishan Ramadaan ay ilaa laba malyuun iyo Badh qof si xasiloon oo degan ugu tukadaan Xaramka  taasina ay ku timi Waafajinta ilaahay  iyo dabadeed  dedaalka hawl-wadeenada amaanka.

 

Amiirka Mandaqada al-maka al-mukarama Waxa uu wax xaqiiqada ka fog oo aan jirin ku tilmaamay hadalo ay faafiyeen warbaahinta dalka Qadar kuna sheegeen in Boqortooyada sucuudku Xaramka u diiday dadka  soo cimreysanaya ee  dalka qadar u dhashay.

Comments are closed