La Haystayaal Xoriyadoodii dib u Helay oo Sheegay inay Afar Sano ku Noolaayeen Quudashada Jiirka iyo Shimbiraha Soomaaliya
Nairobi 26.October 2016 (SDN/QJ):- Koox ay Budhcad-badeed Soomaali ahi Xeebaha Soomaaliya ku haysatay ku dhawaad shan sannadood, ayaa gaadhay Caasimadda Kenya ee Nairobi, waxaanay markii ugu horreysay ka hadleen xaaladdii ay ku noolaayeen muddadii ay gacanta ugu jireen Budhcad-badeedda, iyagoo sheegay inay wakhtiyada qaar quudan jireen Xawayaanka Jiirka oo ay Cunto ahaan u cuni jireen.
Dareen Caaddifadeed ayaa ka muuqday markii ay Raggaasi 26 ka koobnaa gaadheen Nairobi oo ay Madaarka ku soo dhaweeyeen Danjirayaasha waddamadooda u fadhiya Nairobi.
Waxay markii hore ahaayeen 29, balse mid ka mid ah ayaa dhintay markii Markabka la soo weeraray halka laba kalana ay cudurro u dhinteen iyagoo afduub loo heysto. Waxay haatan ku noqonayaan dalalkii ay u kala dhasheen oo ay ka mid yihiin; Shiinaha, Filibiin, Fiitnaam iyo qaar kale oo ka tirsan Bariga Qaaradda Aasiya.
Mid ka mid ah Ragga la soo daayay, ayaa BBC-da u sheegay in ay ku noolaayeen nolal cidhiidhi ah, isla markaana ay cuni jireen Shimbiraha iyo waxyaabaha kale ee ay adag tahay in uu Bani’aadamku cunno ahaan u cuno sida Jiirka oo kale.
Sii deyntooda waxaa la xaqiijiyay maalintii Sabtidii, ka dib wada-xaajood waqti dheer qaatay oo u socday dalalkooda iyo Budhcad-badeedda Soomaalida ah ee Afduubka u haysatay. Waxaa muddo dheer lagu hayay dhulka Xeebaha Soomaaliya ka dib markii Markabkooda, oo laga afduubay meel u dhow Seychelles, uu ku degay meel ka baxsan Xeebta Soomaaliya.