|

KUWO BAADI AH IN BADAN OO KALENA BAADIYEEYEY

Qaybtii hore waxaan ku soo qeexnay in cidda ummad u dejisa sharci ay xukunto ummaddaas, sidaas darteed haddii sharciga lagu dhaqmayo ama diinta lagu dhaqmayo ay tahay mid dad dejiyey cidda dejisay waa cid Ilaahnimo sheegtay cidda ku dhaqanta ama diin ka dhigataana waa mushrikiin. Sidaas darteed dawladda aan ahayn khilaafo Islaami ahi waa baadil iyo Ilaah sheegasho u daacad noqoshaduna waa mushrignimo.

Sidaas darteed dadka ku dhololaya in ay yeeshaan dawlad daaquud ah waxaan uga digayaa in aanay ku toobad seegin dawladaas shaydaaniga ah.

 

DIIN

Diintu waa sharciga ay ummadi ku dhaqanto sidaasna wuxuu Alle noogu sheegay aayaddan 76aad suuradda An-Nisaa oo lagu sheegayo in diinta boqorku u ogolaatay in uu nebi Yuusuf walaalkiis reebto.

فَبَدَأَ بِأَوْعِيَتِهِمْ قَبْلَ وِعَاءِ أَخِيهِ ثُمَّ اسْتَخْرَجَهَا مِنْ وِعَاءِ أَخِيهِ كَذَلِكَ كِدْنَا لِيُوسُفَ مَا كَانَ لِيَأْخُذَ أَخَاهُ فِي دِينِ الْمَلِكِ إِلَّا أَنْ يَشَاءَ اللَّهُ نَرْفَعُ دَرَجَاتٍ مَنْ نَشَاءُ وَفَوْقَ كُلِّ ذِي عِلْمٍ عَلِيمٌ(76).

Aayaddani waxay ku saabsan tahay qisadii nebi Yuusuf markii uu saacii wax lagu beegi jiray uu ku dhex qariyey safarkii walaalkiis si uu ula hadho macnaha aayadduna waa sidatan:

Wuxuu baaritaanka walaakiisa ka hor mariyey walaalihiisii kale markaas ayuu ka soo dhex helay weelkii maqnaa alaabtii walaalkiis, sidaas ayaanu Yuusuf ugu suurto gelinay in uu walaalkiis kula hadho diinta boqorka, haddii uusan Alle sidaas wax ugu qorshaynna uma suurto gasheen Yuusuf in uu walaalkiis la hadho, waxaanu dallacsiinnaa cidda aannu doonno ruux kasta oo aqoon sheegta ruux kale ayaa ka sii aqoon dheer.  

Waxaan aayaddan uga jeedaa in aan dadka u caddeeyo in diinta boqorku tahay sharcigii boqorka. Marka haddii maanta ummadda loo sameeyo dastuurka waxaa loo sameeyey diin cusub in dadku aqbalo diin aadami sameeyeyna aqoon darro mooyee si kale kuma dhici karto.

Marka Alle csw uu na lee yahay sida aayaddan ku cad diinta Alle agtiisa aqbalka ka ahi waa diinta Islaamka, kuwa horay kitaabka loo siiyey ma diidayaan ilaa uu cilimigu soo gaadho waxayna ka tahay is nacayb dhexdooda ah, haddaba ruuxii diida aayadaha Alle ha ogaado Alle xisaabkiisu waa mid dhaqso badan eh.

إِنَّ الدِّينَ عِنْدَ اللَّهِ الْإِسْلَامُ وَمَا اخْتَلَفَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ إِلَّا مِنْ بَعْدِ مَا جَاءَهُمُ الْعِلْمُ بَغْيًا بَيْنَهُمْ وَمَنْ يَكْفُرْ بِآيَاتِ اللَّهِ فَإِنَّ اللَّهَ سَرِيعُ الْحِسَابِ(آل عمران 19).

Marka diinta Alle agtiisa aqbalka ka ahi waa diinta Islaamka waxaa loola jeedaa sharciga Alle agtiisa aqbalka ka ah ee ruuxii ku garsoortama uu abaal gudka Alle ugaga helayo dastuurka Islaamka. Dastuur kale oo dhammi waa gaalnimo iyo shirki in laga garsoortamana waa xaaraan.

Waxaan aad uga xumahay in ummaddii islaamka ahayd ee Soomaaliyeed ay gaalo u soo dejiso diin ay uga saaray diintii Islaamka ayna haddana ku yihiin raalli. Waxaa soo shaac baxday oo qof waliba u jeedaa in hadalkii Alle ee ahaa gaalo idinka raalli noqomaayaan ilaa ay diinta idinka saaraan. Runtii maanta ayay socotaa in Soomaali la gaaleeyo waxaanna u arkaa in ay culumo iyo caamaba raalli ku yihiin waayo culumadu kama hadasho arrinta dastuurka iyo xaaraanimadiisa, ka aamuskuna waa aqbal.

4.         GUMAYSI.

Waxaan marna la is weydiin waxa gumaysigu yahay, waxaana la moodaa in uusan dadku aqoon u lahayn gumaysigu waxa uu yahay. Laakiin waxaan ku soo koobaya qeexitaankiisa in uu gumaysigu yahay dad xukuma kuna amar ku taagleeya dad kale. Muhiim ma aha cidda ay yihiin dadka wax xukumayaa haddii la dad yihiin kuwa ay xukumayaan iyo haddii ay ajnebi yihiinba waa gumaysi.

Haddii aan taariikhda dib ugu laabanno qabiilka Soomaaligu wuxuu ka mid yahay ummadaha adduunka ugu faca weyn, taariikhda qaddiimka ahina waxay sheegaysaa in uu jiray ilaa 2500 BC. Marka waxaan idin weydiinayaa gumaysigii reer galbeedka ka hor Soomaalidu sidee u noolayd? Ma dawlad dadka iyo dalka xukunta ayaa jirtay? Ugu horrayn ma jirin dawlad dadka iyo dalka xukunta, sidaas oo ay tahay waxaa jiray kala dambayn iyo amni. Wuxuu qofka Soomaaliga ahi safar u bixi jiray isaga oo aan wax sahay ah wadan waayo reer kasta oo uu u soo hoydo ayaa sooryeyn jiray mararka qaarkoodna neef ayaa dartiis loo qali jiray. Dadku wuxuu ku dhaqmi jiray shareecada uuna wax ku kala qaadan jiray laakiin xeerar dhaqameedayana waa jireen oo u dhexeeya qabaa’ilka. Dadkuna gumaysi uguma jirin dad kale haba yaraatee,

Iyada oo noloshaas xorta ah lagu jiro ayaa waxaa noo yimid gaalo is gumaysan jirtay oo lahayd boqorro ilaahnimo sheegta oo dadka sidii ay doonaan ka yeela. Waxaan aad uga xumahay in dhaqankaas xun ay na qaadsiiyeen. Markii uu gumaysigu dalka ka tegayeyna wuxuu noo dhisay dawlad Soomaali ah oo dadka gumaysata ama xukunta. Dawladdaas Soomaaliyeed waxay ula dhaqantay dadkii Soomaalida ahaa sidii uu ula dhaqmi jiray gumaysigii shisheeyaha ahaa. Si ay dadka ku sandulleeyaan ayay u samaysteen booliis, xabisyo iyo maxkamada ku sheegyo wada baadil ah. Waxaas oo dhammi waa awooddii dadka dullaynaysay si loo gumaysto.

Waxaa maanta loo jeedaa shacabka iyo dawladda oo mar kasta kala taagan oo aan siinnaba raalli uusan shacabka ka noqon karin dawladda. Markii ay dawladdu raalli gelin kari weydey ayay ku tallaabsataa handadaad iyo caga jugleyn iyo cabsi gelin, iyada oo dadka xorta ah xornimadooda ka qaadaysa oo xidh xidhaysa.

Dawladda wadaniyada ahi waxay samaysaa wixii uu gumaysigii shisheeyaha ahaa samayn jiray oo ah kala qaybi shacabka oo xukun.

Sidaas darteed gaaladu waxay si qaldan noogu macneeyeen waxa gumaysi yahay. Iyaga oo noogu sheegay in gumaysigu ahaa kii Yurubyanka ahaa laakiin waxay noo qariyeen in dawladda Soomaalida ah ee ay noo dhiseen ay lafteedu tahay gumasi dadban, loona baahan yahay in laga xoroobo.

Waxaan ku soo gunaanadayaa dawladdu shisheeye iyo sokeeye kii ay tahayba waa gumaysi, waana dhaqan xumo nooga timid reer galbeedka. Waxaan arkayaa maanta Koonfurta Soomaaliya Shariif Sh. Ahmed iyo saaxibadiis ay gumaysanayaan, Puntland oo koox uu hor boodayo Faroole gumaysanayo iyo Somaliland oo Siilaanyo iyo kooxdiisu gumaysanayaan, isuna qaba in ay xor yihiin. Dhowaanna u dabaal degayey maalintii ay xoroobeen. Waxaan idin lee yahay xor ma tihidin ee waxaad gumaysi ugu jirtaan dawladda kuwa idiin ah.

5.         XORNIMO.

Haddaba yaa ah xor oo aan la guamaysanin? Qofkii ama ummaddii uusan dad aadami ahi ku amar ku taagleyneyn ayaa xor ah. Xukunka aadamigu sokeeye iyo shisheeyaba waa gumaysi xornimo ma aha. Xornimaduna waa xukunka Alle ama addoonimada Alle oo kaliya loo noqdo addoon. Wuxuu Alle nagu addoonsadaa isaga ayaa na abuuray wax kasta oo noloshu u baahan tahayna noo abuuray. Isaga ayaynu ku xidhan nahay la’aantiisna ma jiri karno sidaas darteed waa in aynu raalli ku noqonno in aynu u ahaanno addoommo. Hawada aynu neefsanno haddii uu naga joojiyo waynu wada dhimanaynaa, cunto la’aan ma noolaan karno, biyo la’aanna ma noolaan karno, sidaas ayaynu ugu qasba nahay in aynu Alle u ahaanno addoommo. Haddii uusan Alle intaas midna noo hayn lahayn uma ahaanneen addoomo ee ciddii kale ee intaas noo haysa ayaynu u noqon lahayn addoomo.

Marka maxay dawladdu noo haysaa oo aynu ugu noqonnaa addoomo, ka amar qaata. Sidaas darteed addoonimada Alle ayaa ah xornimada runta ah. Waxaan uga jeedaa ciddii uu Alle tooska u xukumo isagana ka amar qaadata ayaa xor ah.

Sidaas darteed wuxuu qofku ama ummadi xor tahay markii ay Alle u tahay addoomo oo ay ku dhaqanto sharcigiisa ama diintiisa, kuna nooshahay xukunkiisa.

Ummad aan shareecada Islaamka ku dhaqmini ma sheegan karto xornimo amni iyo kala dambaynna ma jiri karto Alle la’aantiis.

GUNAANAD:

Walaalayaal nolosha oo dhan ayaa qalad naloo garansiiyey waxaana sidaas yeelay gumaysigii shisheeyaha ahaa, marka ninkii shisheeyaha ahaa iyo kan Soomaaliga ah ee maanta dawladda kuu sheeganayaa maxay kuugu kala duwan yihiin mid waliba shacabka ayuu ku amar ku taagleeyaa. Wax ay kuu qaban karaan oo ay iyagu kuu hayaanna ma jirto oo noloshaado ku xidhan tahay.

Waxaa xaq u leh in uu wax xukumo waa Allaha csw ciddii kale ee isku dayday in ay kaalintii Alle buuxiso ma dhici karto in laga yeelaana waa xaaraan.

Xornimada iyo gobonimada ummaddu waxay ku jirtaa kitaabka Alle iyo sunnadii rasuulka ee gaws dambeedka ku qabsada gaalada doonaysa in ay diinta idinka saaraanna ka diida.

وَلَنْ تَرْضَى عَنْكَ الْيَهُودُ وَلَا النَّصَارَى حَتَّى تَتَّبِعَ مِلَّتَهُمْ قُلْ إِنَّ هُدَى اللَّهِ هُوَ الْهُدَى وَلَئِنِ اتَّبَعْتَ أَهْوَاءَهُمْ بَعْدَ الَّذِي جَاءَكَ مِنَ الْعِلْمِ مَا لَكَ مِنَ اللَّهِ مِنْ وَلِيٍّ وَلَا نَصِيرٍ(البقرة 120).

Yuhuud iyo Kiristaan in aad gaalawdo mooyee wax kale ma kaa yeelayaan raallina ma kaa noqonayaan ilaa aad ka gaalawdo, isu sheeg in jahaynta dhabta ahi tahay midda Alle sidaas darteed haddii aad ku raacdo gaalada hawadooda beenta ah iyada oo diin cad lagu soo gaadhsiiyey, ogow hadhow cid kaa celin kata Alle ma jirto eh.

 

G/le Sare Omer Suleiman Ali                                                  23/05/12

Comments are closed