Kuwait oo Maalgelinaysa Casriyayn lagu samaynayo Madaarka Garowe iyo Jaamacada Maakhir University
Kuwait 07.October 2013 (SDN)-Magalaada Kuwait ayaa maanta waxa heshiis horumarineed ku galay dowladda Puntland iyo dalka Kuwait, waxana u saxiixay Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Jaamac halka Kuwait uu matalayay Hamad Sheikh Al-Omari oo ah ku xigeenka agaasinka Kuwait Foundation.
Garoonka Diyaaradaha magaala madaxda Garowe iyo Jaamacadda degmada Baran (Maakhir University) ayaa uu ka koobanyahay mashruuca Kuwait ay Puntland ugu deeqday.
Waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkajiir oo dowladda Puntland uga ahaa wakiil; diyarinta iyo xiriirinta mashaariicda Kuwait ka hirgelineyso Puntland iyo safiirka Somalia Cabdiqaadir Sheekh Amiin,
Balanqaadki Amiirka Kuwa Sheikh Jaber Ahmed Al-Subah 2010 markii uu madaxweyne Farole booqashada ku tagay Kuwait ayay ka mid ahayd inay gacan ka gaystaan horumarinta deegaanada Puntland.
Dhanka kale Madaxweyne Farole ayaa weli ku sugan dalka Imaaraadka oo kulamo kala duwan kula leeyahay madax Carbeed, waxana lagu wadaa dhowaan in dalka dib ugu noqdaan wafdiga Puntland oo muddo bil ka badan dibadda ku maqnaa.
Kuwait SDN.
Qurbejoog.com