|

Kuuriyadda Waqooyi oo Maanta ay u Qorshaysan Tahay Dayax Gacmeed ay Hawada u dirto Iyo Tijaabadda Gantaal Cusub iyo Weliba Dareenadda Shakiga leh ee Laga qabo

London 7. February,2016(SDN/QJ):–Caddaymaha laga helayo Dalka Kuuriyada waqooyi ayaa muujinaya inuu jiro diyaargarow ay dalkaasi u samaynayaan tijaabo ay ku samaynayaan gantaal cusub,

Kkuuriya-Nukliyeer-740x494Xogahan ayaa soo baxaya iyadoo Axadnimadda Maanta la filayo inay Kuuriyada Waqooyi hawada u dirto wax ay ugu yeedhay dayax gacmeed korka kala socon doona dhulkeeda, xilli  gantaalka kalena la qorsheeyey in la rido inta u dhexaysa 8 ilaa 25 bishan Febaury, xiligaa oo ku beegan xuska sanadguurada dhalashadii madaxweynahii hore ee Dalkaasi  Kim Jong-Il,  oo dhalay Madaxweynaha hadda Kim Jong-Un.

Sida uu baahiyey Telefishinka caalamiga ah ee Sky-News Xogahan la helay oo ay ka mid yihiin sawiro ay qaadeen Dayac gacmeedada Dalka Maraykanka ayaa muujinaya in Tankarada shidaalka qaada lagu arkay saldhiga ciidamada ee Sohae oo ah aagga uu gantaalkaasi ku rakiban yahay, taasoo sii xoojisay shakiga laga qabo tijaabada ay kuuriyada Waqooyi ku samaynayso gantaalkan cusub.

London SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed