Kuuriyadda Waqooyi oo Ka Hadashay Dhoola Tus Ka Socda Gacanka Kuuriya oo Lagu Soo Weerarayo
Biyonyan 23. August 2017 (SDN/QJ):- Xukuumada kuuriya waqooyiga ayaa canbaareyn u soo jeedisay dhoola tuska mulatari ee ay sida wado jirka ah u samaynayaan ciidamo ka kooban maraykanka iyo kuuriyada koonfureed oo ka bilaamay gacanka kuuriya shalay, kaas oo socon doona muddo toban cisho ah.
Afhayeen u hadlay xukuumada kuuriyada waqooyi ayaa ku tilmaamay dhoola tus mid loogu diyaar garoobayo sidii weerar loogu qaadi lahaa dawlada kuuriyada waqooyi, taas oo maraykanka iyo xulafadiisu ku ciyaarayaan dab holcaya.
Afhayeenku waxa uu intaasi ku daray in xukuumada Biyoon-yaan, jawab adag ka bixin doonto dhoola tuskan, iyadoo la tijaabin doono gantaalaha riddada fog kuwaas oo ku dhici doona agagaarka Gasiirada Guwaan ee dalka maraykanka.