|

Kuuriyadda Koonfureed Iyo Maraykanka oo Dhoola Tus Wada Jir ah Sameeyay Kaas oo Socon Doona Ilaa 20-ka Bishan October

Seoul 17. October 2017 (SDN/QJ):- Dalalka Kuuriyada koonfureed iyo Mareykanka, ayaa dhoolatus millateriy oo dhinaca badda ah si wada jir ah  uga samaynaaya Biyaha Jasiirad la mooda kuuriya iyada oo ay kacsan tahay xiisadda  Barnaamijka Nuclear-ka  ee Kuuriyadda Waqooyi.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaan dhiga kuuriyada koonfureed ayaa sheegay,in dhoolatuskan oo ka dhici doona xeebaha barriga iyo Galbeedka jasiirad la mooda kuuriya ay ka qayb qaadanayaan maraakiib dagaal oo gaadhaysa  40 markab.

Afhayeenku waxa uu intaa raaciyey in dhoolatuskan ay wada jirka u samaynayaan Ciidankooda iyo Ciidanka mareykanku uu socon doono lix iyo tobanka ila labaatanka Bishan aynu ku jirno ee Oktoobar.

Maraakibta Mareykanka ee dhoola tuskan ka qayb qaadanaysa waxa ka mid ah Markab kuwa dayuuradaha xambaara ah oo ku  shaqeeya Tamarta Nuclear-ka ee Ronal Regan.

Kuuriyada woqooyi ayaa iyadu ku tilmaantay dhoolatuskan ay wada jirka u samaynayaan kuriyada koonfureed iyo Mareykanku inuu yahay dhoola tus daan-daansi dagaal ah.

Comments are closed