Kuuriyada Woqooyi oo sameysatay Gantaal ridadiisu Mareykanka gaaraya
Seoul Dec 24,2012(SDN)-Dawlada Kuuriya ayaa la shaaciyay tijaabo ay dhawaan sameysay dabadeed inay haatan awoodo in ay gantaal gaarsiiso cariga Mareykanka.
Dawlada Kuuriyada Koonfureed oo sameysay baaritaanka ayaa todobaadyo ka dib xaqiijisay awoodan.
Kuuriyada Woqooyi ayaa horaantii bishan mid ka mida gantaalada ku sameysay tijaabo ka cadheysiisay dalalka reer galbeedka.
Qeybo ka mida gantaalkan ayaa waxa gacanta ku dhigay Kuuriyada Koonfureed,baaritaan dheer ka dibna shaacisay khatartiisa.
Gantaalkan ayaa ridadiisu tahay in ka badan 10,000 oo KM,taas oo ka dhigan in uu gaarayo dalka Mareykanka.
Dawlada Woqooyiga Kuuriya ayaan wax jawaab ah ka bixin xogtan cusub ee la shaaciyay,waxaaney ku adkeysaneysaa in tijaabada ay sameysay ay aheyd uun mid sahan aheyd uun.
SDN-Seoul
contact@somalidiasporanews.com
SDN