|

“Kusoo kala kicii shirkii Turkiga kadib wada-hadallo Ku Saabsan Telefoono Iyo Isku-soo Dhawaansho Way Na Dhex Mareen Somaliland, Waxana aanu Qabnaa In Wada-hadalkaas loo Baahan yahay…” Wasiir Odowaa

Muqdisho:May,23,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda Federal-ka Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, ayaa ka Hadlay wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo somalia oo dhawaantan Hakadka galay, kadib markii ay Somalia  ka baxday khadkii wada-hadalkaas loo jeexay.

odowaaWasiirka oo marti ku ahaa Barnaamij arrimaha siyaasadda lagaga hadlo oo TV-ga Universal, ayaa sheegay in xagga fikirka ay ku kala duwan yihiin Somaliland iyo Somalia, isla-markaana ay Dawlad ahaan aaminsan yihiin nidaamka 4.5-ka oo ay somaliland qayb ka tahay,

“Somaliland Dawladda Federal-ka Somalia waxay aaminsan tahay qayb kamid ah waddanka la yidhaahdo Somalia oo lama taabtaan ah.dhinaca kale walaalaheena somaliland waxay aaminsan yihiin inay Dawlad Gooni isu taagtay inay yihiin, wada-hadalladii aanu isula tagnay Turkiga annagu waxanu u aragnay Dawladda Federal-ku waxay ka kooban tahay wax la yidhaahdo 4.5 oo ah dadka soomaaliyeed ee Degga Lawyacaddo ilaa Raas-kaambooni waxay ku leeyihiin dad metala. Metelaadaasna qof qof kale ka xuquuq badani ma jiro.” Ayuu yidhi Wasiir Odowaa.

Waxa uu  ka hadlay sababtii keentay  burburkii Wada-hadallada oo uu dusha ka saaray somaliland, waxana uu yidhi,

“Beelo waxa jira dad Waqooyiga Somalia kasoo jeeda oo kamid ah Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirrada dadkaas annaga iyo iyagu yaanay isku muuqanin ayey ahayd meeshii doodda ka adkaatay.”

Wasiirka oo hadalkiisa si wata waxa uu sheegay inay jiraan Shakhsiyaad somaliland ka socda oo midnimada hammuun u qaba,

Wada-hadalladii markii aanu tagnay Somaliland waxay codsadeen in wada-hadallada laga saaro dadka ka yimi waqooyiga Somalia, anna waxan aaminsanahay in dadka waqooyia Somalia ka yimi qaarna midnimaday u doodaan, qaarna kala go’ay udoodaan, kuwii midnimada udoodayeyna annagay nala joogaan, kuwii kala go’a u doodayeyna waa dadka kale ee aanu la hadlaynay” ayuu yidhi Wasiir Odowaa.

Wasiir Odowaa waxa uu sheegay in Dawladda federal-ka ah ee uu katirsan yahay u baahan wada-hadal aan shuruuco ku xidhnayn, waxana uu yidhi,

“Dawladda Federal-ka ee Somalia waxay u baahan tahay Wada-hadallo shuruud la’aan ah, somaliland ka  haddii ay nin xamar ku dhashay keensato annagu dhib uma aragno. Dawladda federalka ah fikraddeeda waa la yaqaanaa.”

Isagoo wasiirku wada-hadalkaas labada dhinac ka hadlaya, waxa uu sheegay inay jiraan Wada-hadallo iyo xidhiidh hoose oo labada dhinac dhexmaray wixii ka dambeeyey is aragoodii turkiga, waxana uu intaas ku daray in Dawladdiisu wax daruuri ah u aragto in la wada hadlo,

“Kusoo kala kicii shirkii Turkiga kadib wada-hadallo waa na  dhexmareen Somaliland oo ku saabsan Telefono iyo isku soo dhawaansho, annagu waxanu qabnaa Wada-hadalka somaliland iyo Somalia in loo baahan yahay oo uu daruuri yahay, waliba waxanu qabnaa inaanu wada Hadli karno.” Ayuu yidhi Wasiir Odowaa.

Waxa uu sheegay inaanay daw ahayn marka aragtidooda la eego doodda somaliland ee ah inaanay hor fadhiisan cid somaliland ka socota, waxana uu yidhi,

“Somaliland waa hadashay waxana ay sheegeen in Haddii aan shuruuddii la sameeyey laga laaban wada-hadal diyaar u ahayn, waxana aan isleeyahay taasi waa ka bad-badis, wada-hadal shuruud la’aan ah baana u baahanahay.”

Bilowgii sanadkan, ayey ahayd markii ay Guuldarrada kusoo dhamaadeen Wada-hadallo muddo dheer ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la lahayd dhiggeeda Somalia, kuwaas oo markii dambe ku  afjarmay shuruudo ay somaliland ku xidhay wada-hadalka oo la oofin waayey.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed