Kurdiyiinta oo dib u riixay degaalyahanada Daacish ee Syria iyo Ciraaq
Baqdaad Dec 25,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Beshmurga ee qowmiyada Kurdida Ciraaq iyo Syriaa ayaa sheegtay in ay guulo ka soo hooyeen dagaalo ay todobaadkan la galeen kooxaha Daacish.
Kooxda Bushmerga oo kaashaneysa weerrada cirka ee Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa waxa ay dib u qabsadeen tuulooyin dhawr ah iyo dhabe isku xira degaanada Woqooyiga Ciraaq iyo Syria.
Sidaa waxa saxaafada u sheegaty Hashim Sitaie oo ah hogaamiyaha ciidamada Beshmurga ee dalka Ciraaq ka dagaalamaya.
Saxaafada caalamku waxa kale oo ay xaqiijisay in ay muuqato in dib loo riixay ciidamada Daacish oo isla markaana isaga baxay degaano ay maalmo ka hor ka ariminayeen.
Si kastaba ha ahaatee ciidamada Daacish ayaa dhawrkii bilood ee ina dhaafay aaney u suurto gelin in ay sii wadaan isbalaarin xawli ku socotay oo ay sameeyeen bartamihii sanadkan.
SDN/QJ-Baqdaad