|

Kumuu ahaa taliyiihii ciidamada amaanka Jubaland yaase khaarijiyay?

Kismaayo Feb 20,20149SDN)-Waxa dhawr maalmood ka hor lagu khaarijiyay magalada Kismaayo taliyihii ciidamada amaanka ee maamulka Juba Ciise Kaambooni oo ahaa taliye aad looga yiqiinay degaanada Jubaland.

Taliyaha oo ka mid ahaa ciidamadadii Raas kaabooniyiinta la oran jiray ayaa waxa uu ka soo jeedaa dhulka Soomaalida ee dalka Kenya.

Waxaa uu hore uga mid ahaa ciidamadii Shabaabku ka qorteen degaanada Woqooyi Bari xiliyadii ay Soomaaliya qabsadeen ciidamadii dalka Itoobiya.

Taliyaha oo xilka loo magacaabay bishii October ee inadhaaftay ayaa waxa khaarijiyay mid ka mida ilaaladiisa oo ay qaarbo dhaw ahaayeen.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay dilka loo geystay Ciise Maxamed Kaambooni.

Marxuumka ayaa sidoo kale waxa uu ka mid aha hogaamiyeyaashii kooxdii Xizbul Islam ee Shabaabka ku biiray sanadii 2010kii.

Dilka masuulkan ayaa ku soo beegmaya xili ay xaalada amaan ee magaalada Kismaayo aaney wanaagsaneyn isla markaana ay dawlada Soomaaliya ay dooneyso in ciidamada Kenya ee Ka tirsan AMISOM lagu bedelo qaar ka socda dalka Sierra Leone.

Dilka Taliye Ciise Kaambooni oo ay aad isugu dhawaayeen madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxa uu muujinayaa in kooxda Al Shabaab ay weli Kismaayo ku leedahay awood ay nabada khalkhal ku geliso.

SDN-Kismaayo
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed