|

Kumanaan qof oo soo dhawayn ay u adeegsadeen Fardo, gaadiid, ubax, caleemo-qoyan ku qaabilay weftiga Guddoomiyaha KULMIYE + nuxurka khudbad murrashax Muuse Biixi u jeediyey reer Gabiley DAAWO

Gabiley 17.March 2016 (SDN/QJ):-Wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Gebilay oo ay u tegeen Wacyigelinta Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo dhawrkii cisho ee u danbeeyay ka socday Gobolkaasi.
6bfaa48f-7415-4cdf-a444-12a68446ec02Weftiga oo ka kooban hoggaanka xisbiga, xubno wasiirro ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka, madax iyo saraakiil kale oo ku jira xisbiga, ayaa la kulmay soo dhawayn miisaan culus ah oo ay qaybqaateen tobanaan kun oo qof oo waayeel iyo dhallinyaro aan loo kala hadhin oo taxnaa inta u dhaxaysa deegaanka Caabudla iyo Carro-yaanbo ee degmada Arabsiyo ilaa gudaha magaalada Gabiley ee xarunta Gobolka.
Masuuliyiinta weftiga oo markii ay gaadheen duleedka magaalada Arabsiyo ay ka hortageen mowjado dadweyne soo dhawayn iyo taageero la barbar-istaagay, kuwaas oo Guddoomiyaha KULMIYE iyo madaxda wehelinaysay ay la lugeeyeen ilaa badhtamaha magaalada oo lagu qabtay xaflad loo asteeyey qadarinta weftiga, halkaas oo masuuliyiinta, odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqani hadallo soo dhawayn ah ka jeediyeen.


Comments are closed