Kumaa bedelay Meles Zenawi, maxayse dawladda Itoobiya ka tidhi walaaca laga qabo xilka geeridu banaysay?
Addis Ababa 21, August 2012 (SDN)- Hoggaamiyeyaal badan oo dalalka dunida ah, ayaa cabsi ka muujiyay in dhimashada hoggaamiyihii Itoobiya Meles Zenawi oo xalay ku geeriyooday cusbatal ku yaala caasimadda dalka Belgium ee Brussels ay abuuri karto xasilooni-darro ka dhacda dalkaas.
Raysal-wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga iyo hoggaamiyeyaal kale oo ka tirsan kuwa caalamka, ayaa cabsi ka muujiyay in dalka Itoobiya ay dhacdadani u horseedo xaalad xasilooni la’aan ah oo ka timaada hoggaaminta Jamhuuriyadda Itoobiya.
Mr. Odinga waxa uu sheegay in Itoobiya tahay dal u nugul inuu si fudud u kala daado, ayna degaan qoomiyado kala duwan. “Mana hubo in siyaasiyiinta Itoobiya ay hubaashii diyaariyeen bedelkiisa,” ayuu yidhi Odinga. Hoggaamiyeyaasha reer Galbeedku, sida Britain, USA iyo kuwo kale waxay sheegeen in Meles Zenawi ahaa hoogaamiye adag, si wayna u kobciyay dhaqaalaha dalkiisa, isla markaana uga qaybqaatay la-dagaalanka xasilooni-darrada gobolka iyo kooxaha Argagixisada ah.
Hase yeeshee, afhayeenka dawladda Itoobiya, ahna gacantii midig ee Meles Mr. Bekeket Simon, waxa uu sheegay in si kumeel-gaadh ah xilkaas uu u qabtay Raysal-wasaare kuxigeenkii, ahna wasiirkii Khaarajiga dalkaas Mr. Hailemarian Desalegn.
Mr. Simon oo sidoo kale ah wasiirka Warfaafinta dalkaas, waxa uu sheegay in Mr. Hailemarian Desalegn uu si kumeel-gaadh ah xilkaas u hayn doono ilaa 2015.
Waxa uu sheegay in Baarlamaanku uu si degdeg ah kalsooni u siin doono Raysal-wasaaraha cusub, si uu xilka u qabto. Hoggaamiyaha cusub oo ah siyaasi xilka kuxigeenka Raysalwasaaraha iyo wasiirka Khaarajiga qabtay 2010, waxa uu ka mid yahay xubno tiro yar oo golaha Wasiirada kaga jira deegaamada dhinaca Koonfureed. Hailemarian waxa uu siyaasadda ku soo jiray ilaa 1990, waana 47 jir bartay cilmiga dhismaha guryaha (civil engineer).
Siday faafisay wakaalada wararka ee AFP, Mr. Simon waxa uu sheegay in Raysul-wasaare Meles Zenawi uu xanuunsanayay sannadkii u dambeeyay.
Bereket Simon waxa uu sheegay in aanay jirin wax xaalad cabsiyeed ah oo dhimashada hoggaamiyahoodu ku keenayso dalkooda.
Meles Zenawi waxa uu dalkaas hoggaaminayay inka badan 20 sannadood, wuxuuna ahaa guddoomiyaha xisbiga EPRDF iyo xisbiga qomiyadiisa ee TPLF, wuxuuna dhintay isagoo da’diisu tahay 57 jir.
Laakiin, Simon waxa uu sheegay in xisbigu ka adkaan doono sidii hore, dawladduna ka adkaan doonto sidii hore, isla markaana dhimashadiisu aanay wax cabsi ah ku keenayn mustaqbalka dalkaas.
Wasiirka Warfaafintu waxa uu diiday wararka ku saabsan walaaca jagada banaanaatay laga qabo. “Waxaanu hoggaaminta ugu midoobi doonaa sidii abid ugu adkayd….Sidaa darteed, ma jiro welwel, gebi ahaanba ma jiro wax welwel ahi,” ayuu yidhi Bereket Simon.
Dhinaca kale, Afhayeenka wasaaradda Khaarajiga Mr. Dina Mufti waxa uu sheegay in Meles Zenawi ahaa hoggaamiyihii sareeyay qiimayn ahaan ee Itoobiya soo mara, taasina ay dalkiisa ku abuurtay xaalad uu ku tilmaamay shock.
Dalka Itoobiya waxa uu haatan ku jiraa murugo xoogan oo ka dhalatay geerida hoggaamiyahooda, waxaana kala-badh hoos loo dhigay calanka dalkaas oo ka mid ah kuwa ugu balaadhan Bariga Afrika.
Qurbejoog.com, Addis Ababa