|

“Kuma kalsooni Xisbiga Kulmiye ee aan ka tirsan ahay, kuma kalsooni Guddida Fulinta, waxa aan rabaa in aan musharax ku noqdo qasab iyo juujuub , waxaana rabaa in aan qasabka iyo juujuubka aan Madaxweyne ku noqdo.” Murashax Samaale DAAWO

Hargeysa 18.Oct 2015 (SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo ah murashax madaxweyne, ayaa isna khudbad ka Jeediyey Fagaare ay Dhoola Tus ku sameeyeen , wuxuu aad ugu dheeraaday in xisbiga si xalaal ah loogu tartamo isagoo xusay in haddii tartan xalaal ah lagaga guulaysto uu natiijada aqbalayo. “Anagu waxa aanu nahay Musharixiintii u taagnayad Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, Doorashaduna waxa ay ku xidhan tahay inta halkan fadhida iyo inta kale ee ka maqan, inta aad idinku u doorataan ayaa noqon doonta Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmye, anigu shaqsiyan Cabdicasiis ahaan waxa aan diyaar u ahay Golaha dhex ee aan ka tartamayo go’aanka ka soo baxa marka si cadaalada ah loogu tartamo diyaar ayaan u ahay in aan aqbalo, waxaad ka warantaan haddii uu tartanba dhici waayo, waxaad ka warantaan ilayn waatan imikaba la tartamayo ee munaasibadaha la sameeynaye qof walba si ayey aragtidiisu tahay oo si ayuu wax u arkaayeeye,marka aniga oo masuul qaran oo ah aragtidaydu qabyaalad ku dhisan tahay, ee aragtidaydu qoys ku dhisan tahay, ee aragtidayidu xoog ku dhisan tahay, ee aragtidaydu juujub ku dhisan tahay, ee aragtidaydu tikniko ku dhisan tahay, sidaas meel ma ku gaadhi karaa?.”

SamaaaleCabdicasiis Samaale, wuxuu sheegay inaanay saddexdoodan murashax cid gaar ah cod ka doonayn balse ay ka doonayaan guud ahaan shacabka, “Somaliland waa Qaran midaysan, waa farxad noo ah aniga iyo walaalkay Axmed Cabdi Kijaandhe iyo walaalkay Maxamed Biixi Yoonis, waxa aanu Somaliland shacabkeeda iyo dawladda Somaliland iyo Qaranka Somaliland, iyo Xisbiga Kulmiye iyo Golaha Dhexse ee Kulmiye iyo Guddida fulinta ee Kulmiye in intaba aanu kala xishoonay in aanu qabiil qabiil iyo jees jees idiin kulmino, waxaan taas u arkaynaa inay qofka hoos u dhigayso ayaanu aamisanahay, xaqiiqatan saddexdayda iyo walaalahayga kale ee Musharixiinta kale ee Madaxweyne ku xigeen iyo Golaha dhexe walaalkay Cabdiraxmaan Cismaan Caalin intayda oo runtii Musharixiin ahi waanu kari karaynay in todoba munaasibadood oo munaasibad walba shan boqol ama Saddex boqol ama afar boqol oo qof loogu yeedho oo Saddex ama Labaataan ama Konton Golaha Dhexe ahi ku jirto, hadda waa toban munaasibadood afar xildhibaan ayaa la tafsiilinaya, bal u fiirsada Saddex Qof oo Golaha Dhexe ah ayaa lagu soo darayaa markaas ayaa la leeyahay haddii aanu nahay qabiilka iyo reerka reer hebel, waxa aanu taageeradayada siinaynaa hiil iyo hooba musharaxa Cabdicasiis Samaale, kuma kalsooni markaas Golihii dhexe, kuma kalsooni Xisbiga Kulmiye ee aan ka tirsan ahay, kuma kalsooni Guddida Fulinta, kuma kalsooni masabka iyo shaadhka aan xidhahay, intaba kalsooni kuma qabo, waxa aan rabaa in aan musharax ku noqdo qasab iyo juujuub , waxaana rabaa in aan qasabka iyo juujuubka aan Madaxweyne ku noqdo.”

Cabdicasiis Samaale, wuxuu sheegay oo uu intaas raaciyay, “Xisbiga Kulmiye maraaxiil badan ayuu soo maray, mararka qaarkood ayaa la faana dad baa faana, meelahaas ayaanu ka dhegaysana, markaas haddii aan bahasha la isku markhaati furayn oo waxa la iskaga markhaati furayaa aanu jirn soo dhibaato maaha, nin baa hadlaya oo odhanaya Xisbiga Kulmiye waa loo soo dhintay waa loo soo halgamay, waanu soo aasaasnay,waa kan, oo marka aad weydiiso goorma ayaad Xisbiga ku soo biirtay Urur kale ama Xisbi kale oo uu ku jiray ayaa ka soo burbaray oo boodhka lagu soo qasay marka Xisbiga Kulmiye; Kulmiye noqday dabadeed ayuu yimid, haddaba goorta aad doonto kaalay, xisbiga aad doonto ka kaalay, ururka aad doonto ka kaalay, inaga oo walaal ah oo aan kala sheegan oo kaaba sheeganayn ma tartanaa, bal waxa aad ka warantaa marka kaas Ururku ka soo burburay marka uu leeyahay kan Raggii soo aasaasay marka uu leeyahay ha igula tartamina.”

Wuxuu Cabdicasiis Samaale soo hadal qaaday munaasibadan oo ay ku qabanayeen Maansoor oo laga joojiyay, waxaanu yidhi “Waxa aanu leenahay haddii ay maanta ahayd in wax la joojiyo oo lala dagaalamo waxa ay ahayd in Munaasibadaha in Wasiirada ama Masuuliyiinta Qaranku tagayaan ee qabyaalad aan qiimaha lahayn lagaga hadlaayo in la joojiyo ayey ahayd, waxa ay ahayd in haddii aynu wax joojinayno in wixii dhaqankeena iyo akhlaaqdeena xumaynaya inaynu joojino, maanta oo ay Munaasidu Somaliland oo dhan kulminaysay oo aanay cidi ka maqnayn sheekh iyo shariif marwo Rag iyo Dumar aanay cidi ka maqnayn dhalinyaro iyo waayeel oo aan xumaan Xukuumaddeena , Dawladeena iyo Xisbigeena midna ka sheegayn munaasibadii Tikinikada loo dalbanaayey may ahayd, Musharixiinta tartamaya sida ay wax ku kala doonayaan ayey caddeeysay taasi, qofka qori ama xabad wax ku doonayaa ee tiknikada galiya waxa aanu leenahay wey soo dhaaftay wakhtigaas, waxa aan leeyahay Somaliland waa Somaliland la wada leeyahay, waa Somaliland aynu wada leenahay, waa Somaliland aan la kala lahayn, oo u gudubtay Xisbinimo oo Dimuqraadiyada qaadatay.”

Comments are closed