|

Kuma Aanan Tabceen!

Salaaddii casar ayaan ku tukaday masaajid aan wax badan ka fogayn gurigayga.  Judhii salaadda laga baxayba,  intaan kabahayga hore  u iladay ayaan beegsaday   dhinicii  albaabku iga xigay. Kolkaan bannaanka u soo baxay ayaan milicsaday Islaan gidaar masaajidka ka soo horjeeda fadhida. Go’ ayaa dusha kaga dedan. Dhulkana waxaa u goglan go’ kale oo dadka masaajidka ka soo baxaa ay lacagta ugu ridayaan.  Kun shillin oo aan jeebkayga bidix ee surwaalka ku ogaa ayaan  baadh baadhay oo aan sadaqo ahaan ula baxay. Haddaan is  iri  hore u dhaqaaq… ayaa Islaantii cod muruge leh waxay igu tidhi “ Hooyo Rabbi nimcada hakuu siyaadiyo, waxaad u soo eegtahay wiilkaygii” … Intaa hadday  tidhi  codkii baa ka xidhmay oo ilmaa indhaheeda ka soo hoortay; waxaana xigtay  in ay miyir doorsoonto  oo ay dhinac u dhacdo.

Lugahaa i gargiiray, jidhkaa i dubaaxiyey, wadnahaa i fugleeyey, indhahaa i ilmeeyey; gebi   waxa i dabooshay  naxdin iyo murugo. Intaan kada loobsaday ayaan Islaantii madaxa qabtay oo aan gidaarka ku tiiriyey.  Indhuhu kor bay jiraan, labada dhabanna ilmadaa da’aysa. Cod liciifa oo aad u liita ayey ku leedahay “ Isagaa hoogaa i baday, hannadkaan dhallaaa hoogaa i baday …”  markay sidaas ku hadaaqaysay, waxay afka kula jirtaa suulkeeda midig oo ay calalinaysaa. Hal xoogaa ah hadday xaaladdaa ku sugnayd anna aan sidii weli madaxa u hayo, ayey tartiib tartiib u soo miyirsatay, marba marka ka dambeysa waa ay soo fiicnaanaysaa, ilaa ay wax kala garatay oo ay sare u soo fadhiisatay. Meherad  nagu dhow ayaan sufur biya ah uga keenay. Markay qudhqudhisay ayey awoodday  in ay afka kala qaado oo ay isku daydo in ay ila  hadasho.

Iyadoo istiilaysa ayey iga codsatay in aan garab galo oo aan gurigeedii u sii tukubiyo. Hawraarsan intaan idhi, ayaan weyddiiyay halka iyo goobta gurigeedu ku yaal. Waxay igu tidho eeddo waa masaajidkan sii rogiisa. Waan sii tukubiyey ilaa aan aqalkeedii ka soo gaarnay. Waa aqal cariisha oo dhoobo ka samaysan, hareeraha waa ka dulduleelaa. Ilama aha in dhaxanta lagu dugsan karo. Sidoo kalena isma lihi dhibcaha roobka ayuu celin karaa. Iima muuqato cidkale oo aan iyada ahayn oo aqalkan ku nool, sidaan dareemayo waa keligeed. Yaa keligeed!  Oo tolow yaa u miciina kolkuu xanuunku la soo derso, ehel ma laha miyaa Islaantu, aaway ubadkeedii mise waaba goblin, deriskeedu xumaa may cariishka u dayac tiraan? ayaan is weyddiinayay.

Ilbiriqsiyo haddaan aqalkii indhaha la raacayey, oo aan la fajacsan ahay sida wax yihiiin, ayaa Islaantii garabka iga taabatay oo igu tidhi “Eeddo masalahaas salka dhig oo cabbaar naso waad soo yare daashee.”  Mooyi wax i watee, haye ayaan idhi; dabadeedna sidii askarigii intaan amarka  degdeg u qaatay ayaan masalihii ku dul fadhiistay. Durbadiiba Islaantii waxay soo fadhiisatay docdayda bidix; annoo aan  weydiisan ayey ii bilowday  sheeko dheer oo nolosheeda ku saabsan. Sheeko beerka i qaaday oo uur ku taalo igu beertay; sheeko wixii aan hayeyba i hilmaansiisay oo qalbigayga taabatay; sheeko aan ilaa hadda xusuusto oo dhegayga ka sii guuxaysa. Sidan ayeyna iigu bilowday:

“Adduunkani waa meerto, intaad nooshahayna marxaladiba marxalad ayey kuu dhiibtaa. Waayo aragnimo iyo khibrad ayaa laga dhaxlaa. Adkaysi iyo dulqaadna waa laga bartaa. Seban  kastaba waayihiisa leh. Shakki kuma jiro in duruufta noloshu is bedesho. Subax kastoo beryana aad xaalad nololeed oo cusub gasho. Dharaar waad caafimaad qabtaa; dharaar kalena xanuun baa la ildaran tahay. Maalin  baad dheregsan tahay; maalin kalena gaajaad la jaartahay,  Ayaan waa aad faraxsantahay; ayaan kalena murugaa ku saaqda. Maalmaa halyey tahay, codkaagana loo dhega nugul yahay oo loo soo joogsadaa; maalmo kalena  ruux hantaatacay kama duwanid. Maalmaad xarrago la tiicdaa; dharaaro kalena uskagaad weheshataa , Xilliyaad maal buuxdaa; wakhti kalena cirkaad iska haysaa  oo caydh iyo busaarad baa kula deristay. Beryaad nabad ku caana maashaa oo baqdin la’aan aad ku waa bariistaa; beryana colaad ayaa lagugu ibtileeyaa. Sannad baad ciir lulataa oo cirka iyo dhulku walaaloobaan, guguna si wacan kuugu hooraa; sannadka xigana ciid cas iyo abaartii lug cad baa lagugu kiciyaa, La yaab ma leh waa adduun iyo xaalkiis.

Yaraantaydii ayaa hooyaday ii bixisay magaca Caasho dhool.  In kastoo Aabbahay Sidciyo ii bixiyey; haddana, waxa hirgalay magacii hooyaday ii bixisay: Dhudi.  Aabbahay waxa uu ahaa maal qabeen aad deegaanka looga yaqaanay. Waxa uu ahaa geesi wax quudha  oo xagga deeqda iyo wax bixinta cidi kuma gaadhi jirin, Dhinaca doodda iyo gole ka hadalkana  waa looga dambeyn jiray, oo haddii xaajo murugto  ragga wax kala furdaamiya ee dhiiga  ku hagoogta  ayuu hormuud ka ahaa.  Ma eexde runta sheega ayuu ahaa. Caddaali xaqsoora ayuu ahaa.  Aabbe u debecsan oo u jilicsan qoyskiisa ayuu ahaa, si kastuu masuulliyad culus u siday ma ahayn mid daryeelkayaga  hilmaama.  Ma ahayn mid cidlo nooga dhaqaaqa.   Isku duubnimadooda ayaa noloshooda wax ka beddeshay. Is fahamkooda garashada ayaa gurigooda ka badbaadiyey inuu dumo.  Is ixtiraamkooda iyo isqaddarintooda, isku nuglaanta iyo is maqalka, isku dhibridda dhexdooda taalay; ayaa qayb ka ahayd  sida  hagaagsan ee aan u soo barbaaray. waxaan uga soo muuqday  hablihii facayga ahaa sida dayaxa, maaha oo keliya xagga quruxda; balse  dhanka garashada, kartida, dulqaadka, xishoodka  iyo dad la dhaqanka.

Waa tiise hore loo yidhi “ gabadhi waa guur u joog” waxaa timi dharaartaan ugu yeedhay “ lama dhaafaan” , waa maalintii  xilli bariisa ah  uu aabbe iigu yeedhay geed  wajahadda aqalkayaga ku yaalay, markaas oo uu farta iga saaray  go’aan uu xalay hurdada ku soo goostay,   kaas oo aan ka laabasho lahayn.  Aabbena waxa uu ahaa nin hal adag oo aan ka noqon go’aanka uu goosto.  si hufan oo aan laalaabasho lahayn  ayuu  iigu sheegay  inuu i  bixiyey  oo uu isiiyey  wiil aan  ilmaabti  nahay oo magaaladda  dukaan  ku leh,  oo la yidhaahdo Xasan .  Isagu ima kaa weydiisan ee anaa kula gaclooday  oo ku siiyey  ayuu ii sii raaciyey. Sidii hablaha Soomaaliyeed caaddada u ahaydba madaxa ayaan u ruxay, taasoo hawraarsan iyo waan aqbalay ka dhigan.

Hammuun iyo xiiso ayaan  u qabay in aan mar uun magaalo arko, oo aan miyigaan ka dal doorsado. Welwel badan ayaan  ka qabay  in aan miyi dego oo aan carruur ku xambaaro.   In kastaanan Xasan weligay arag oo aanan dhaayo saarin in aan maqlo mooyee, haddana, markaan  dadab galnay ee hoy wadaagnay,  waxa uu noqday ruux dabeecad wanaagsan.  Aad baanu  isugu qanacnay, danta qoyskana si dhow ayaan iskula garanay. Intaan wada noolayn  ma xusuusto maalin aan is qabanay  ama aanu xaajo ku muranay oo cidi noo garnaqday. Si kastoo  arrini nooga murugto midkaayo ayaa tanaasuli jiray oo kan kale  hadduu ka qaloocan yahay raalli gelin jiray.

Waxaanu beryo noloshaa fiican ku soo istareexnaba, waxaa yimid  xilliyadii adkaa. Subax qudha ayaa magaaladii iftiimaysey ee nabada xalay looga seexay, waxay ku waa bariisatay, hungunka madhaafiicda iyo daryanka rasaasta yaryar. Dayaanka baasuukaha iyo dhawaaqa  Suuga ayaa  dadku la dayeysan yihiin. Waxa lagu jaah wareersan yahay xaaladda iyo waxa soo kordhay. Durbadiiba qax iyo kala carar ayaa bilowday. Ruux walbi wuxuu haaban karay intuu haabtay ayuu halhaleel aqalkiisii uga rooray, hooyo iyo carruurteedii baa kala halaabay,  Aafo iyo saygeedii baa is waayey, nin walbi halkuu beegsan karay  ayuu bartilmaameedsaday. Mid gaadhi  raaca iyo mid lugtiisa ciirsadaba   danta ayaa  kalliftay  in magaaladii qarniyada la deganaa   laga  hayaamo, oo miciin la bido duurka iyo dhul lama degaan u eke ah.

Colaadaasi magaalada  aafeysey waxaan ku waayey   odaygaygii Xasan  oo xabad wiifta ahi  la kulantay. Weli ma ilaabin mana  ilaabi doono  oo waxa  ii muuqda  isagoo dhaawaca, oo bartamaha laamiga yaal, una dhintay dhiig bax, anna aan ku dulmeeraysanayo anigoo barooranaya. Balse, nasiib darro, aan waxba u qaban Karin. Kolkii naftu deysayna intaan cimaamadiisa madaxa ka huwiyey ayaan isaga soo huleelay. oo dhabada cagta saaray.  Waxaan gocle iyo orad ku soo  jiraba, waxaan  gaajo iyo diihaal la ildarnaadaba, waxaan markaan daalo kacaa fadhiistaba; waxaan soo gaadhay goob nabadeed oo xasiloon.

Waxaan durbadiiba  ka raysanay  dhawaaqii  hubka culus ee dhegahayaga ka guuxayey, noloshanna  sidii horre waa soo dhaameysey.   Waxana  tuuladaa aan u soo qaxnay iigu dhashay curadkaygii  Cigaal  Xasan.   Maadaama uu agoon yahay  oo aabbihii  dagaalladii  galaafteen, waxa  lagama maarmaan noqotay in booskii aabbahana aan u  buuxiyo.  Si aan nolosheenna  u debero, ayaan samaysay kabadh  aan  bagaash ka yar yar ku iibiyo. Rabbi mahadiiye miiskaas yar ayaan ka soo sari jiray nolol maalmeedka.  Ilaa markii dambe  aan furtay  Dukaan oo ganacsigaygiina kor u soo kacay. Sannado ka dib waxaan dhistay guri  aan anigu leeyahay.

Curadkayga Cigaal Xasan oo ahaana ilmaha keliya ee aan dhalay, waxaan ku daray  dugsi qur’aan. Kolkuu  qur’aanka dhammeeyeyna waxaan ku daray  dugsi lagu barto maadiga.  Waana  uu sii watay waxbarashada  ilaa uu heerka koobaad ee Jaamacadda dhammeeyey.  Anigu waxaan si gaara  wakhtigaa xil isaga saaray  in aannu waayin masaariif, wuxuu cuno, wuxuu cabo ama uu xidho.   Bil kasta waxaan diyaarin jiray lacagta dugsiga ama jaamacadda uu dhiganayo.  Waxaan ku riyoonayey oo aan rajaynayey   markuu jaamacadda ka baxo in uu kaalintayda buuxin doono , oo uu ganacsigan la wareegi doono, anna aan nasan doono oo uu  fadhiga wax igu siin doono. Balse, nasiib darro, taasi ma noqon mid dhacda, Wax walbina waxay ku soo gaba gaboobeen si ka duwan sidii aan filayey.Cigaal Xasan  wiilkaygu markuu jaamacadda dhammeeyey  wuxuu si hoose u go’aansaday  in uu dalka ka tahriibo,  anigase  kama war qabin oo arrintaasi waa iga daahnayd. Mana aanan is lahayn wiilkaagu waa tahriibayaa, Cigaal inuu falkaa ku kacayo meeshaba ma soo dhigan.

Habeen habeennada ka mid ah ayuu iga codsaday in uu caawa keligii dukaanka seexdo, anna aan aqalka oo aan wax badan ka fogeyn dukaanka aan  isaga hurdo tago. Waan ka yeelay maadaama aanan ka war qabin  damaciisa  iyo shirqoolka  uu maleegayo. Anoo weli usii muuqda ayuu  albaabkii dukaanka soo xidhay, waxana uu damiyey  nalkii gudaha. Waxayse ila noqotay  in uu caawa  fiid horre jiifsanayo  oo lulo  la liito.  Rabboow qof aan wax ogeyn ha cadaabin, anigu iska sii luuday  oo xaggaa iyo aqalkii  baan u jiif doontay.  Habeenkii nabad ku seexday oo hurdo macaan Qaadirku iigu deeq. Haddaan hiirtii waaberi  xaggii  dukaanka u soo jarmaaday, waxaan la kulmay waxaanan filayn!  Waa dukaankii oo balaqan, qofna gudihiisa kuma jiro, inta badan alaabtii waa ay buuxdaa, hareeraha iyo dhinacyada haddaan fiiriyeyna uma jeedo  Cigaal Xasan oo meelna iigama muuqdo.  Tolow maxaa dhacay, wiilkii ma xalaa la afduubay, see wax u jiraan iyo su’aalo kale ayaa sida roobka iigu soo daadanaya oo aan is weyddiinayaa . saacado ka dib  ayaan hoos u dhugtay  Qasnadii lacagta. mise  waa faaruq oo lacagtii oo dhan waa lagala baxay. Ma waxaan beerku i xanuunin oo aanan nixin baa, kama nixin lacagta la dhacay  balse waxaan is weydiiyey  in ay suuragal tahay  tuugadii dukaanka jabsatay in ay  Cigaalna sii afduubteen.

Dukaankii intaan  Quful weyn ku dhuftay  ayaan baadi goob  galay, Saldhigyada booliiska ee magaalada ku yaala oo dhan ayaan lug ku soo maray, giddigood waxaan siiyey warbixin  afduubka Cigaal ku saabsan.  Waxaa la wargeliyey ciidamada ku sugan baraha kaantorool ee magaalada, waxaan kaloo  doon doonista  igala qayb qaatay  dhammaan bulshadii aan deriska ahayn. Waase lagu guuldarraystey in  la soo helo, ama xog laga helo. Durbadiibase dadka qaar ayaa afka ku dhuftay  haddii laga yaabo in Cigaal tahriibay, Anigaase afka kaga soo boodayey  oo lahaa Cigaal weydaan aqoon  weligii ma tahriibeen? Xattaa hadday dhacdo inuu tahriibona waa uu ila socodsiin lahaa. Balse nin Iimaan qabuuba ahaayoo ma tahriibeen.

Seddex maalmood  kolkii  juuq iyo jaaqba laga waayey, wax sheegana aan isha la saarin, raq iyo ruuxna aan lahayn,  murugo iyo caloolyowna  aan la duub duub nahay, ayaa teleefan layga soo wacay, Haddaan shaashadda moobilkayga  fiiriyey waxan hore u garan waayey lambarkan isoo wacaya oo ah mid igu cusub.  Waxaanse u qaatay  askartii iyo  dadkii kale ee hawsha baadi doonka igula jiray.  Dhegta saaray  oo  haloow idhi, waaba codkii  ninkii Cigaal ahaa. Ma waxaanan ku argagixin baa!!! in badan oo uu ila hadlayey maankaygu waa maqnaa, weedhihiisuna waa i baalmarayeen  oo waa i dhaafsanaayeen.  Waxaanse ku hanbabaray isagoo leh “Hooyo waxaan joogaa Wajaale, waxaanan iminka u talaabi doonaa xadka Itoobiya, hooyo ii soo ducee  anigu waa tahriibee, ina soo cafi haddaan hantidaadii dhacay. Markaan Yurub tago ayaan dib kuugu soo diri doonaa. Hooyo guri ayaan kuu dhisi doonaa, Hooyo  adiga laftigaaga waan ku dhoofin doonaa . Hooyo dartaa baan jidkaa dheer u marayaa, waxaanan tiigsanayaa  asaagay, oo meeshaa ay u tabaabushaysteen ayaan anna heeryada u qaatay”.

Muxuu yidhi, waan tahriibay  aa!!! Wajaalaan marayaaa aa!!!  Waa aniga sare jooga ka dhacay oo miyir doorsoomay,  waxaan soo baraarugay  iyadoo biyo laygu shubayo oo lay rusheynayo.  Anfariir iyo cabsi ayaa wejigayga laga dheehanayaa, Naxdin iyo welwel ayaa guud ahaan isaaqay. Dadka igu gedaamanaa weedhaha ay is dhaafsanayaan ee aan maqlayo  waxaa ka mid ah “ wiilkeedii baa tahriiboo ay ka naxday, oo soo tay  lahayd wiilkaygu waa indheer garad oo weligii ma tahriibeen, maxay dhallinta maanta ka  taqaan?”. War ilayn ciil iyo cadho looma dhinto.  Dhexda xidho oo caloosha adkayso , Cigaalna tahriib ee  u dhug yeelo meesha uu ku dambeeyo ayaan  talo ku soo ururiyey.

Maalmo ka dib ayaa Cigaal isoo wac.   Markaan wuxuu joogaa Liibiya; xarunta waddankaas ee Triboli. In muddo ah ayuu iiga sheekaynayey  dhibaato ka soo qabsatay  jidka  laga soo bilaabo Itoobiya  ilaa laga soo gaadhayo Liibiya. Waxaa uu  isagoo ilmaynaya iiga waramayey rafaadkii iyo silicii ka qabsaday saxaraha Liibiya. Isagoo ii sheegayay magacyada wiilal aan garanayn oo ay israaceen oo saxarahaas naftooda ku waayey. Rabbise mahadiiye hooyo anigu waa ka soo badbaaday ayuu hadalkiisii ku soo gunnaanaday. Waxaanse weyddiiyey hadda waxa uu ku sugan yahay, anigoo leh:  Hooyo Triboli hadda ma xor baa tahay mise Xabsi baad ku jirtaa? Isagoo qiiraysan oo ooyaya ayuu igu yidhi “Hooyo Magefe ayaan gacantiisa ku jiraa, lugta midig waan ka jabnahay, nabarro waan qabaa,  hooyooy  lacag soo dir oo Magefe iga fur fur”. Intaa hadduu yidhi  teleefankii ayaa ka go’ay, haddaan ku celceliyeyna waa layga qaban waayey.  Hase yeeshee mar dambe ayaa  haddana lambarkii layga soo wacay, waxa ila hadlay nin Caraba,  ma fahmin waxa uu ka hadlayey maadaama aanan  afka Carabiga aqoon badan u lahayn; wuxuuse teleefanka iigu dhiibay  wiilkaygii Cigaal oo ii sheegay in uu Magefe rabo lacag madax furusho ah oo dhan  seddex kun oo doolar.  Intaa ka dib sidii si la mid teleefankii waa la damiyey.

Talaa igu caddaatay, oo xagaad lacag ka doontaa, xoogaagiina waa tuu isagu sii dhecee!  Dee alaabta dukaanka taala u xaraash seddex Kun waa gaadhaysaaye; waa run.  Alleylahe, haddaad taladii heshay.  Alaabtii  intaan qiimo jaban  ku iibiyey oo aan xaraashay ayaan lacagtii oo doollar ah xawilaadda dhigay.  Mase hubin in lacagtii weli  Magefe  gaadhay iyo in kale. Aroortii dambe ayaa  waxaa teleefan ii soo diray  Cigaal yare oo ii sheegay  in lacagtii  Magefe qaatay  isna  la sii daayey oo hadda   xor yahay  iskuna diyaarinayo  safar xagga badda ah  oo uu saadambe gelayo.   Hooyo ii soo ducey  ayaa dhawr jeer  ku celceliyey, waxayse iigu darayd markuu haddana  lacag kale i weyddiiyey.   Anoo la yaabban ayaa ugu war celiyey hooyo lacagta kale maxaad ku falay miyaanay intaa innagaga dhammaan? Si fudud ayuu iigu yidhi “ Mayee, hooyo,  waxaa innagu hartay oo keliya lacagtii doonta aan ku raaci lahaa”.  Oo haddaa hooyo waayahee maxaynnu samaynnaa xaggee ka keenaynaa  lacagtaa, Ilayn intii dukaankana waa anigaa kuu soo diree  “ Hooyo doonta lacagteedu  waa Shan kun  ee guriga soo iibi , anaa dib u dhisayee oo aqal weyn kuu dhisi doonee, soo iibi hooyo”.  Anoo si uga biyo diidsan,  oo aanay weli iga daadegin soo jeedintaasi, ayaan ugu jawaabay:   haye hooyo bal waayahay.  Waan soo iibin haddaan cid iga iibsata helo.

Waxaan gurigii iib ku doonaba ugu dambeyn waa layga iibsaday, lacagtii aan ku dhisay lacag ka yar baan siiyey.  Danta ayaa igu khasabtay maadaama wiilkaygii dhul shisheeye ka soo cataabayo.  Xawilaadda ayaan Shantii kun degdeg u dhigay, isna markiiba ka qaaday. Habeenkii doonida ku bood  oo dhinacaa iyo Yurub ula jeesatay. Haddii  3maalmood   war iyo wacaalba  aan kala  la’aa.  Maalintii Afraad ayaan  Idaacadda  ka maqlay war naxdin leh.  Waa Dooni tahriibayaal  siday oo ku degtay  Badda   u dhexaysa Liibiya iyo Talyaaniga. Intaa waxay idaacaddu ku sii dareen in dadkii doonidaa saarnaa aan  hal ruuxna ka badbaadin.   Si cad uma hubin in ay tahay dooniduu Cigaal Xasan wiilkaygu saarnaaa. Balse maalintaa  laga bilaabo  ilaa haatadan aynnu joogno  sidii buu iigu soo cad yahay oo iiga maqan yahay. Waana dhab in aanu noolayn.

Markay xoolihii iyo wiilkii iska kay raaceen, waxaan noqday ruux niyad jaban. Waxaan noqday qof aan waallayn oo aan haddana miyir qabin.  Waxaan noqday ruux keligii ah oo aan dunidan cidina u joogin.  Markaan dib u xusuusto noloshii aan soo maray, waan ilmeeyaa oo aan murugoodaa.  Ugu dambeynse Rabbi baan talo saartay  oo aan wakiishay. Adiga markaan Masaajidka kugu arkay ayaan soo xusuustay  wiilkaygii  oo aad isasoo sal salowdaan.   Eeddo iga raalli noqo haddaan  wakhti kaa lumiyey. Waad ku mahadsan tahay taakulayntaada iyo inaad guriga i keentay.

 

Qalinkii : Siciid Cabdi Xasan

E-mail: casuuro1@hotmail.com

Ceerigaabo, Somaliland 

Comments are closed