|

“Kulmiye Xukuumad Ahaan Iyo Xisbi Ahaanba Wuu Fashilmay, Waana In Laga Hortagaa Saamaayanta Uu Ku Yeelan Karo Jiritaanka Qaranimada” Musharaxa Madaxwayne Ku xigeen Ee Xisbiga UCID

Hargaysa 30.May 2014 (SDN/QJ)- War Saxaafadeed ka soo baxay xafiiska musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID Mudane Cabdirashiid Xassan Mataan, ayuu kaga hadalay loolanka siyaasadeed ee ka dhex qarxay xisbiga talada haya ee KULMIYE, iyo saamaynta uu ku yeelan karo jiritaanka Somaliland, nuqul ka mid ah oo soo gaadha Qurbejoog.com ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

Hiilkii shacbiga iyo hamigii lagu doortay KULMIYE wuxu lumay markii ay u suurto gashay in ay gacanta ku dhigaan taladii dalka.

crashiidxasanmataanAfar sano ka badan ayaa laga hadlayey oo mucaaradka iyo bulshada rayidku cod dheer ku sheegeen, mar qudhana lagama aamusin lamana qarin halista ka iman karta, hase yeeshee Hoggaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye mar qudha lagama helin garawshiiyo, waxaana bannaanka la dhigay waxgaradkii kulmiye ee yidhi aynu isa saxno waxbaa inaga qaldane, sida Mohamed Abdulqaadir, Boobe Yusuf, Mohamed Hashi iyo kuwo kale – intaaba hoggaanka Kulmiye erigooda raali buu ka ahaa.

Wixii aan daacad ahaynba dabada ayuu ka xumaan, shacabka S/Land lagu khalkhal galin maayo is-eryad aan loo baahnayn iyo xaalad abuur, kii ku soobaxa musharaxnimada kulmiyaba shacabku wuu ka dharagsan yahay hogaankooda iyo habdhaqankooda maamul.

Xadhig iyo ciidanka ammaanka oo laga horkeeno shacabku ma noqonayso wax keeni kara cimri dherer.     Hay’adaha sharciga iyo garsoorkuna waa in ay dhex ka noqdaan muranka dhexmaraya xisbiga kulmye iyo xukuumadda uu dhalay.

Golaha wakiiladu ha xasuusteen in badbaadada dalku ku jirto in sharciyadda dib loogu noqdo, Xukuumaddan waqtiga u hadhay wuu kooban yahay, ololaha cusub ee ay ku jirtaa wuxu qaran-jab ku keenayaa S/land,waa lagama maarmaan in aad ka hortagtaan in aan dib ugu noqono halkii aynu ka soo bilownay 1991 iyo shirbeeleed; waxa lagaga hortagi karaa waa in baarlamaanku xaaladda dalka ka doodo si waddaniyad iyo daacadnimo ku jirtona u qiimeeyo oo guddiga dhaqaalaha iyo ku amnigu soo saaro hawgal lagu xakamaynayo in aan hantida ummadda iyo awoodda dalka loo adeegsan burburintooda, fiiro gaar ah la siiyo Dekedda Berbera, Wasaaradda Maaliyada, hay’adaha dakhli iyo hayadaha ku shaqada leh amniga – taasaa badbaadada dalku ku jirtaa

Hay’adaha nabadgelyada iyo garsoorku waa hay’ado mudan sharafkooda iyo karaamadooda, ha dhowreen xaqsoorka iyo xuquuqda xukumadu ku leedahay iyo ta shacabku ku leeyahayba.

Golaha Guurtida iyo hoggaankooda ugu sareeya gaar ahaan Mudane Sulayman waxan u soo jeedinayaa Sharciga ERGO lagama galo, dalka waxa dantiisu ku jirtaa in sharci la isu dhaqo ee aan la eegin danaha gaarka ah, wixii inaga qaldan aan sharciga u marro.

Guud ahaan waajibka ina saran waa adkaynta iyo xoojinta ammaanka iyo nabadda, xadhigga iyo cago juglayntu meel ma gaadho awooddu waxay ku jirtaa rabitaanka shacbiga, sidaa darteed yaan qof jeclaysi inoo noqon bartilmaansi, taasaa dalka badbaadadiisu ku jirtaa; ka fakara mustaqbalka iyo cidda aad ku aamini lahaydeen hogaanka aad rabtaan inuu idiin adeego si aynu uga badbaadno xaaladda S/Land gashay afartii sano ee u dambeeyey.

S/Land allow dhowr.

Cabdirashid Xasan Mataan

Hargaysa SDN/QJ

contact@somalidiasporanews.com

contact@qurbejoog.com

Comments are closed