|

‘’Kulmiye Xisbi Jira Oo Dimuquraadi Ah Ayuu Ahaa Maantana Reer Ayuu Maraya Muuse Biixibana U Sababa U Ah……” Cali Axmed Kooshin Cali

Hargaysa 26. December 2016 (SDN/QJ):- Axmed Kooshin Cali Lug-yar oo ah xoghaye ku xigeenka wacyigalinta abaabulka ee xisbiga mucaaridka ah ee wadani ayaa canbaareeyay falalkii kala danbeeyay ee jidh dilka ahaa ee lagula kacay xubno siyaasiyiin iyo wariyayaal ahaa oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

 

Cali Axmed Kooshin isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi ” Waxaan halkan ka canbaareynayaa falal maalmahanba iska soo daba noqonaayay, kana dhacaayay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada Jamhuuriyada Somaliland, taasi oo lagu beegsanaayo xubnaha sarsare ee xisbiga WADDANI, kuna beegsanayaan xubno ka socda xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE”

Cali isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray “Waxaana dhaawacyo loogu geystay xubno uu ka mid yahay xughaya cadaalada ee xisbiga WADDANI, iyada oo afhayeenkii dhalinyarada ee xisbiga iyo gaadhigiisiba waxyeelo weyn la soo gaadhsiiyay, markaa waxaan umada Somaliland u sheegaya in sadankan kol la yidhaa Shaaniba la tuuraya iyo kol la yidhaa cidbaa wax lagu yeelaya waa dhaqan xisbiga KULMIYE, lagu yaqaano oo wakhtigii aan ka tirsanaaba wuu sameyn jirey, waana mabda uu leeyahay hogaamiyaha xisbigaasi amase musharaxa xisbigaasi, umada reer Somaliland ee rajada ka qabtaa ha ogaato in Muuse kaa hadii wax laga sheego dadka budhadhka u soo dhiibaya inuu yahay”

Cali Axmed Kooshin Cali Lug-yar oo ah xughaye ku xigeenka wacyigalinta abaabulka ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waxaa uu sheegay in Muuse Biixi maanta xisbiga KULMIYE ku celiyay reer hebel oo uu burburiyay waxanu yidhi isaga oo arintaas ka hadlaya

“Hadii nidaanka iyo shuruucda dalka la dhawri waayo, lana ilaalin waayo nidaamka, hadii ay doorasho dhacdo waa lagaa helay xamili maaye, umada reer Somaliland way og tahay in wixii Muuse Biixi lagu yaqaanay uu sameyn doono, ayaan darada kale ee jirtaa waxaa ay tahay waad aragtaan oo KULMIYE xisbi jira oo Dimuquraadi ah ayuu ahaa maantana reer ayuu maraya Muuse Biixibana u sababa , ama qaranimada shaqeyn ama qolanimada ayaa shaqeyn doonta waxaa uu sameynaayo Muusana looga dulqaadan maayo, waxaabu qabaa in qaranimadu la fududahay oo qolanimadu ka culus tahay,”

Comments are closed