KULMIYE OO U XUUB-SIIBTAY “ SOMALILAND COMMUNIST PARTY”
Xisbiga Kulmiye ayaa u xuub-siibtay xisbi shuuci ah, ka dib markii ay go’oan ku gaadheen inaan hogaanka sare ee Xisbigga lala tartami Karin, laguna beddeli Karin Shirwaynaha Xisbigga ee lagu wado inuu qabsoomo bisha March,2014.
Ajanadaha qudha ee shirka horyaalla waxa weeye in loogu duceeyo Guddoomiye Muuse Biixi iyo Hogaankiisa inay noqdaan “KULMIYE POLITURBO”, sacabkana loogu tumo. Talaabadaasi waa astaamaha axsaabta shuuciga ah , waxaanay soo dedejin doonta burburka “Kulmiye” , oo cagta saaray jidkii diktaatooriyada.
Ali Ibrahim , Toronto.