KULMIYE “Ma Moodaa inuu Halabsanayo Hillinkii Udub ku Galbaday” Barnaamij Dhinacyo Badan Leh {DHAGAYSO oo Wax Ka Dheh”
Hargaysa 18.Oct 2015 (SDN/QJ)- Waxa sii gurmaya maalmihii xilliga sagootiska ku jira. Waxa soo siqaya dharaarihii millayga cusub ee soo dhawayntiisa loo diyaar garoobayo. Amintu waa kala guur wadeeco iyo waxyeelaba wax saarkeeda laga toog hayo. Fooldhabashada xiddigaha, wareega meerayaasha iyo godadka dayaxu u kala gudayaana, qadar Eebbe weeye.
24 sanno oo go,doomin ah Somaliland weli way nooshahay, keligeed is deberaysaa, laakiin, haddana, waqti iyo wax saarkii ma werwer la,a maanta.
Maalinba cashar hore u soo maray ayaa dib loogu celinayaa. Maalinba filim ay hore u soo daawadeen ayaa dib loogu shidayaa. Nidaam kastaaba dhaqankii hore mid ka sii xun buu barayaa, Xannuunada hayaana way tiro bateen.
Marka hore iska eeg oo iska hubi qofkaad wax u dhiibanayso ma taqaano, balse ku boob oo rid marka dambe hiddaheedu weeye. Ka daba tag mooyee, ka hor tag ma jiro. Sidaas oo jirta misana, damqashada dareenku ma yara, gilgilashada garaadkuna goblan maaha bulshada dhexdeeda, haddana, horma saarto iyo callool baa dishay, quustuna waa geeri, oo nolosha waa ka xaaraan.
Gudoomiye Muuse Biixi ayaa Cadeeyey in Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Haatan lagu Muran san yahay iskuna haystaan Murashixiinta Kulmiye in aanu Sharci ahayn Maadaama aanu Ansixin Shirweynihii Xisbiga Kulmiye.
Shabakada Qurbejoog.com ayaa Barnaamijkan idiinka Diyaarisay Loolanka Xisbiga Kulmiye Qaabkii uu Ku dhamaaday iyo Saadaasha Dabayshu Sido ee u eeg Bar dhamaadkiisa.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO BARNAAMIJKAN OO XOG IYO XIISABA XANBAARSAN
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/KulmiyeQardojeex.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ