|

“KULMIYE Ka Bixi-maayo Intaan Siyaasada Ku Jiro, Hadii La Arkay Nin Xil Laga Qaaday Oo Qabyaalad U Booday Dhici-mayso” Gudoomiye Xigeenkii Hore Togdheer Daawo

Burco 11,Feb 2015 (SDN/QJ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle) oo todobaadkan Madaxweynuhu xilkii ka qaaday, ayaa sheegay in aanu ka xumayn sababihii xilka loo qaaday, waxaanu tilmaamay inuu ka tirsanaan doono Xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Maxamed Ubaxle waxa uu sidaasi ku sheegay munaasibad uu  xilka ku wareejinayay Guddoomiye ku xigeenka cusub ee Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd, waxa kale oo uu sheegay in uu la shaqayn doono Xukuumadda, islamarkaana xil ka qaadistiisu ay ka mid tahay sunaha dawladnimada.

Comments are closed