Kulmiye ka bax oo Wadani gal waa kud ka kud oo qanjo u kud
Waxaa beryahan la caadeystay in umadda lagu jah wareeriyo Wadani ayaa la geleyaa oo dhaama Kulmiye iyo xaflado hanti badan oo qurbejooga laga ururiyo loo isticmaalo jaha wareerinta.
Iloowsho dhawaa shalay baaba aheyde, markii Kulmiye umadda ku dawakhiyay UDUB baa laga yaacayaa si isbedel loo helo, Dhado Roob noqon weyday.
Filmkaa lagu jilay Bariga Burco oo hore loo galay natiijadiisiina la arkay ayaa haatana waxa lagu dhigayaa Galabeedka Burco.
U fiirso dhamaan marxaladihii Kulmiye umadda ku marin Habaabiyay iyo tabta Wadani ee haatan la damacsan yahay in shacabka lagu marin habaabiyo.
Marka hore Qabiil degaankooda isku urursada, deetana xisbi ku daba safta ka dibna ku aloosa cirkaa soo dumaya iyo isbedel ayaa loo baahan yahay.
Guddoomiyaha Wadani isla markaana ah Guddoomiyaha Wakiilada isaga goormaa laga xisaabinayaa musuqa uu dawlada ku eedeynayo.
Goormaase daaha laga rogi doonaa reerka uu xisbiga ku urursaday iyo khalkhalka ka dhalan kara hadaan nala dooran belaayaa dhici doonta.
Waxa cajiiba ah waxa ka si ah xisbiga UCID ee fursadan aan ilaa hada ka faaiideysan ee aan bulshada u soo bandhigin Aaafadan Qaran ee Kulmiye iyo Wadani.
Shacabka reer Somaliland Ayaan ilaa iyo haatan heysan cid dhabaha siyasadeed ee dalka looga saari lahaa khal khalka iyo jaha wareerka.
Dr Dhoola Cade
Sweden