“KULMIYE Awood Buu U Leeyahy Inuu Khilaaf Kasta La Xaliyo” Muuse Biixi
Hargaysa 22.Oct 2015 (SDN/QJ)- Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi ahana Murashax u taagan jagada Madaxwayne nimo ee Xisbiga KULMIYE ayaa si muwaadin nimo ah u soo dhaweeyay go’aan kama danbaysa oo laga soo saaray khilaafka Xisbiga KULMIYE ,waxanu Guddomiyuhu sheegay inay gali doonaan tartan xorra oo xalaal ah.
Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE oo wajigiisa aga dheehan karayay farxad ayaa yidhi sidan “Halkan waxanu ku fadhinaa KULMIYE oo dhan ,waana arrin fiican ,cadawgii KULMIYE waa ka naxayaa ,Somaliland iyo taageerayaasha Xisbiguna way ku farxayaan shirwaliba khilaaf wa leeyahy ,KULMIYE awood buu u leeyahy inuu khilaaf kasta la xaliyo ,Murashaxiintii Xisbiga ayaa halkan joogta ,wasiiro iyo xildhibaano dhaliilo ka tirsanayey Hogaanka Xisbiga xaqna ay u leeyihiin inay soo bandhigaan waxay ka cawdaan anaguna saxno madama aanu nahay Hogaankii ,hadii anu jirina waxa laga cawdayna inaanu meesha ka sarno maanta waanu ka saarnay “.
Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu tartan xora oo xalaal uu la gali doono Musharixiinta kula loolamaysa Xisbiga waxanu yidhi “Waxan u mahadcelinayaa qoladan Musharixiinta ah oo naga yar cadhooday laakiin mar dambe aanu soo ladqabaysanay ,waxaana inoo balana tartan xalaala oo aynu galno iyo wadajir “.ayuu yidhi Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE.