|

Kulayl Xad dhaaf ah oo Sababay Dhimashada Kun Qof oo Hindiya u dhashay

Mumbai, 28.May 2015 (SDB/QJ)-  Kulayl xad dhaaf ah oo ka dhacaya dalka Hindiya ayaa la sheegayaa inuu galaaftay oo ay u dhinteen dad kor u dhaafaya  kun qof, iyada oo uu heerkulku ku dhawaaday  50C (122F) meelaha qaarkood.

kulaylInta badan dhimashada ayaa ka dhacday gobollada koofureed ee kala ah  Telangana  iyo  Andhra Pradesh, halkaasi oo ay ku dhinteen  1,118 qof tan iyo toddobaadkii hore.

Wararka ayaa sheegaya in ay iyana ku naf waayeen 24 qof  West Bengal iyo  Orissa.

Mumbai, SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed