|

Kulankii Xalay ee Turxaan Bixinta Kulmiye oo Samaale Garnaqsigii ku Gacan Sareeyay Iyo Muuse Biixi oo ka Garaabay

Hargaysa 21.Feb 2014 (SDN)- Garabyada Kulmiye ayay XalayGuddida Turxaan saarku si fool ka fool ah markii ugu horeeyey isku soo hor fadhiisiyeen isla markaana waxa lagu falanqeeyay khilaafka djhex yaala sidii loo daweyn lahaa.

Sawirka Amin Amir iyo feedhtanka KulmiyeKulanka xalay ka dhacay qasriga Madaxtooyadda oo ahaa mid gaar ah oo aan warbaahinta war laga siinin ayaa hadana markii laga soo dareeray , waxaa tibaaxaha ka soo gaadhay ugu waaweynaa ion Guddoomiye Muuse Biixi Garwshiiyo aan hore looga baran ka bixiyey weedho iyo hadalo Deel-qaaf ah oo uu mudadii khilaafku taagnaa kula kacay wasiirka Maaliyadda C/casiis Maxamed samaale, kaasoo la sheegay in uu si adag xalay ula gar-naqsaday Muuse Biixi.

Sidoo kale, Tibaaxaha Naga soo gaadhay kulanka lagu turxaan saarayey khilaafka Kulmiye ayaa sheegay in Garabka Muuse Biixi ka garaabeen talo maroorsiga ay kula kaceen hawalaha xisbiga Kulmiye isla markaana ay goobtii ku balanqaadeen in dooda kooxda ka soo horjeeda ay qaadanayaan isla markaana ay xisbi ahaa fulinayaan wax kasta oo lagu heshiiyey oo ay ka mid ahaayeen go’aamadii Gudidii Guddoomiyaha Guurtidda iyo ay soo saareen.

Dooda labada dhinac dhex martay ayay tibaaxuhu sheegayaan in ay ahayd tii ugu daganayd maadaama kulamada hore ay ahaayeen kuwo koox kasta gaarkeeda loogula kulmayey oo ay sheeganayaan wax jira iyo waxaan jirinba hase yeeshee kulankan la isku soo horfadhiistay waxa uu meesha ka saaray waxyaabahaas oo dhan isla markaana waxa uu soo dhaweeyey wax kasta oo la mu’aamaradayn jiray intii ay raggu kala maqnaayeen.

Kulanka xalay sida ay wararku sheegayaan wuxuu hordhac u ahaa kulamo kale oo si fool ka fool ah labada dhinac u dhex mari doona, isla markaana ay hogaamin doonaan guddida Turxaanbixintu, waxaana la filayaa kulan danbe oo dhakhso ah in ay labada dhinac weada yeelan doonaa.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed