Kulankii u dhexeeyay Madaxweynaha Punt land iyo Murashixiinta ka qayb qaadanaya doorashada oo natiijo la’aan ku dhamaaday {DHAGAYSO}
Garowe 17.Dec 2013 (SDN)- Kulankii u dhexeeyey musharaxiinta iyo madaxweynaha Puntland oo lagu kala tagey kadib markii qodobo muhiim ah la isku afgaran waayey,
Musharaxiinta ayaa soo bandhigey in guddiga khilaafaadka magacaabistiisa dib loogu noqdo halka Madaxweynaha Puntland ahna mushraxa xilka jagada hogaamiyaha Puntland uu sheegey in sharciyadu siineyso magacaabista gudigaan iyadoo hadana shaqadooda ku dhex jiraan.
Musharaxiinta ayaa dhinaca kale soo bandhigey qodobo sadex ah oo kale iyadoo Madaxweyne Farole aqbaley. Mushraxiinta ayaa sidoo kale diidey iney ka qab qaataan is fahanwagaas kadib iney ka qayb galaan qado sharaf Madaxweynuhu maanta ugu talagaley.
Musharax Cali Xaaji Warsame oo shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa shegay in kulanka ay Saaka kula yeesheenxaruntiisa Madaxtooyada Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ay ku kusoo kala dareereen.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalka Musharaxa doorashada
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Musharax17.mp3″]
Garowe SDN.
Qurbejoog.com