Kulankii Kowaad oo Maanta Dhex Maray Madaxweynaha Puntland Iyo Golihiisa Wasiirada Daawo
Garowe 29.Jan 2014 (SDN)- Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali(Gaas) ayaa maanta kulankii ugu horeeyay madaxtooyada kula yeeshay inta badan wasiiradda uu ku dhawaaqay maalinkii shalay.
Kulanka waxaa madaxwayne Gaas ku weheliyay madaxwayne ku xigeenkiisa Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Cumar,waxana uu ahaa kulan is-barasho iyo in qof kasta shaqada loo igmaday uu si hufan uga soo dhalaalo.
Kulanka oo saxaafadu dibada ka joogtay ayaa marka uu soo dhamaaday waxaa hadlay qaar ka mid ah wasiiradda oo ay ka mid yihiin Shire Xaaji Faarax iyo Cali Xaaji Warsame,waxayna tilmaameen inay ku faraxsan yihiin xilka loo magacaabay.
Maalinta barito ah ayaa lagu wadaa gollaha wasiiradda in lagu dhaariyo xarunta madaxtooyadda,inkasoo ay qaarkood dalka ka maqan yihiin.
Waxaa soo baxaya aragtiyo kala duwan oo ku aadan magacaabista Gollaha wasiiradda,iyadoona dadka falanqeeya siyaasada Puntland ay tilmaameen inaan si cadaalad ah Gobaladda loogu qaybin wasiiradda.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com