Kulankii Baarlamanka Somalia ee Maanta oo Baaqday Kadib Markuu Buuxsami waayay Kooramkii uu Ku Furmi lahaa!!
Muqdisho 09. September 2017 (SDN/QJ):- Waxaa baaqday kulankii saaka lagu waday in xarunta golaha Shacabka ku yeeshaan Baarlamaanka Soomaaliya ,kadib markii uu buuxsami waayay kooramka loogu tala galay in uu kulanka ku furmo.
Xarunta Golaha Shacabka waxaa gaaray Xildhibaano tiro yar oo u badnaa kuwa mucaaradsanaa Xukuumada Soomaaliya gadaalna ka riixiyay Kiska C/Kariin Qalbi Dhagax, waxaana ajandaha kulanka saakay qeyb ka aheyd arinta Qakbi Dhagax.
Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii dambe shaaciyay in uu kulanka maanta uu kooram la’aan u baaqday, waxa uuna Gudoonka shaaciyay in kulanka uu dhici doono maalinta berito .
Xildhibaanada ugu badan ee kulanka aan saakay soo xaadirin ayaa ahaa kuwa taageersan Xukuumada Soomaaliya kana soo horjeeda Mooshin ay wadaan Xildhibaano tiro yar oo katirsan Baarlamaanka.
Ina badan Xildhibaanada wax ka riixayay mooshin ka dhan ah Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa xalay lakala fur furay, waxaana hada isku soo haray tiro Xildhibaano ah oo horey mucaarad u ahaa qiilna ka dhiganayay Kiiska Qalbi Dhagax.
Xukuumada Soomaaliya ayaa heesata taageerada Xildhibaano aad u badan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waana mida keentay in marar badan fashilmaan mooshin ka dhan ah Xukuumada.