|

Kulanka Madaxtooyada iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda iyo Waxyaabaha lagaga wada hadlay

Hargeysa, 23 May 2015 (SDN/QJ)-Iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo Safar dibedda ah ku maqani la sheegayo inay cadho ku kala tageen Madaxtooyada, ayaa haddana waxa soo baxaya warar sheegaya in Madaxtooyadu la kulantay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Ma jiraan warrar xaqiijinaya mawduuca ay Madaxtooyadu kala hadashay Wasiirkii hore, yaseyeeshee xogo is khilaafsan oo Wargeyska Ogaal kasoo xigtay illo ku dhowdhow Madaxtooyadu waxay tibaaxeen inay suurogal tahay in Maxamed Cabdillaahi Cumar dib loogu magacaabo Wasiirka Arrimaha Dibedda, isla markaana isla ammuurtaasi ay tahay sababta Madaxtooyadu ugu yeedhay.

Dhanka kalena xogaha qaarkood waxay tibaaxeen in mawduuca laga wada hadlay aanu ku saabsanayn arrintaa, balse uu la xidhiidhay tallo soo jeedin Wasiirkii hore ula tegay Madaxtooyada, taasoo xoguhu tilmaameen inay ku lug leedahay aragtida beesha Caallamka ee Somaliland iyo sida loogu baahan yahay in aanay Madaxtooyadu luminin kalsoonida saaxiibada Caalamla, taasoo haddii aan la daboqabatayn dhaxalsiin karta Somaliland Go’doomin culus. Sidaa darteed, waxay xogahaasi sheegeen in Maxamed Cabdillaahi  Cumar uu tallooyin arrimahaa la xidhiidha ula tegay Madaxtooyada.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi oo la tacaalaya is waafajinta Beesha Caalamka iyo Xukuumadda, ayaa la tuhunsan yahay haatan in looga arko dhinaca Madaxtooyada nin qayb ka ah caddaadiska beesha caalamka

 

Comments are closed