|

Kulan Uu Taageero Ku Raadsanayay Muuse Biixi Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa iyo Suldaanka Guud Oo Kasoo Qayb-galay SAWIRRO

Hargeysa,4Dec,2015(QJ/SDN)-Kulan uu taageero ku raadsanayay Gudoomiyaha ahna Musharaxa xilka madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE ayaa caawa lagu qabtay Hotel Star.

12312295_1013748865334962_1957525793_n

Kulankan ayaa ahaa mid taageero uu Musharax Muuse Biixi kaga raadsanayo beesha degta Koonfurta iyo Bariga magaalada Hargeysa kaas oo ay kasoo qayb-galeen madaxdhaqmeed, siyaasiyiin iyo dadkale oo taageero u ahaa Muuse Biixi.

Dadkii kulankaasi qaybta ka ahaa waxa ka mid ahaa guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Mudane Jaamac Shabeel, wasiiro ka tirsan Xukuumada iyo Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

12249582_1143426155675493_7729292135454677065_n

Suldaan Maxamed oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu si weyn u taageersanyahay musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi  isagoona sheegay in dalkuna u baahan yahay Muuse Biixi. Waayo buu yidhi waa nin og dhammaan marxaladihii dalkani soo maray waana nin u xog-ogaal ah baahida dalka iyo dadka waa taas sababta aan u tageersanay Muuse. Anigu waxaan odhanayaa madaxweyne waayo waa madaxweyne oo wuu helayaa tartanka. Ayaa laga soo wariyay Suldaanka Guud Ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

12289478_1143426095675499_1320834761497459858_n

Ugu danbeyntii, Musharaxa Muuse Biixi ayaa bilaabay shirar doceedyo beelaysan oo uu dhawaanahanba taageero kaga raadsanayay  bulshada magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba Somaliland, iyadoo todobaadkan uun gudihiisa ay ahay ka dib markii uu Muuuse Biixi uu socdaal kooban ku yimid degamada Axmed-Dhagax kaas oo la sheegay in uu taageero kaga raadsanayay bulshada Ku dhaqan degmada Axmed-dhagax.

Qaabkan cusub ee uu musharax Muuse Biixi taageerada ku raadsanayo ayaa u muuqata mid god madow ku ridaysa dimuqraadiyadii Somaliland ay ku faani jirtay.

Si kastaba ha ahaatee, Haddalka Suldaan Maxamed ayaa u muuqda mid uu ugu laab-qaboojinayay Muuse Biixi ka dib markii uu wakhtigii loolanka xisbiga kulmiye sheegay Suldaanku in Muusex Biixi uu yahay askari isla markaana xukunka dalka lagu aamini Karin askari.

Comments are closed