Kulan Sadex Geesood ah oo ku dhex maray Gudida dhaqaalaha,Wasiirka Maaliyada,& Gudoomiyaha Baanka dhexe {DHAGAYSO}
Hargaysa 16.April.(SDN) Kulan Sadex Geesood ah oo ay Maanta isugu Yimaadeen Gudi hoosaadka Dhaqaalaha ee Gollaha Wakiilada,Wasiirka Maaliyada iyo Gudoomiyaha Baanka dhexe ayaa lagaga hadlay sidii Xal loogu heli lahaa Kor u kaca Qiimaha Sarifka lacagaha Qalaad.
Kulankan oo ahaa Mid albaabadu u Xidhnaayeen ayaa markii uu dhamaaday Waxaa Saxaafada warbixin ka siiyay Gudoomiyaha Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Maxamed Maxamud Cumar Xaashi ayaa tilmaamay in Kulankan oo ahaa kii labaad ee ay wada yeeshaan Gudidooda,Wasiirka Maaliyada iyo Gudoomiyaha Bangiga dhexe ay si qoto dheer ugu lafo gureen dariiqii loo mari lahaa hoos u dhigida qiimaha Sarifka lacagaha qalaad oo aan lahayn ayuu yidhi meel Sugan oo loogu soo hagaago.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay inay isku afgarteen in Sadexdoodan dhinac ay Xal rasmi ah ka gaadhaan Xal u helida isbedelka joogtada ah ee ku yimaada lacagta dollarka,waxaa kale oo u soo jeediyay ganacsatada dalku inay isticimaalaan lacagta wadanka taas oo yarayn karta sida uu yidhi kor u kaca qiimaha sarifka dollarka.
Mar uu gudoomiyhu ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd adeega Zaad ayaa waxa uu yidhi “ Waa waxyaalahaanu ka wada hadlayanay, Anagu uma hayno sharci, laakiin Zaadku kuma fadhiyo Somaliland Shlin ee waxa uu ku salaysan yahay Dollar waliba hawada maraya. Anaga baanku waxa uu noo sheegay in arrintaa iska arkeen shirkada Telesom waxna isla-gaadheen waxanaanu rajaynaynaa in ay wax isbeadli doonaan.”
Geesta kale Xildhibaan Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan” oo Xubin ka ah Gudida dhaqaalaha ayaa tilmaamay in Golaha Wakiiladu uu Meel mariyay Xeerarkii Baanka Dhexe,ka Islaamiga ah iyo Shuruucdii kale ee lagu dhaqi lahaa.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/KULANKII2.mp3″]
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com