Kulan Mareykanka iyo Ruushku ka yeesheen xaalada Syria oo Sawir ka bixiyay cilaaqaadka labada dal ee Gebiga ka lusha
Geneva Sept 13,2013(SDN)-Xoghayaha arrimaha Dibedda Mareykanka John Kerry iyo Wasiirka arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa kulankoodii u horeeyay ka yeeshay xaalada dalka Syria.
Labadan Masuul ayaa kulankoodu salka ku hayay sidii ay isula eegi lahaayeen in la dhaqan geliyo qorshe Ruushku soo bandhigay oo hubka Sunta looga dhigayo xukuumada dalka Syria oo dhawaan shacabkeeda ku leysay hubkaasi.
Labada Masuul oo kulankooda maalmaba la sugayay ayaa waxa laga dheehan karayay kala fogaasho ku saabsan habka iyo hanaanka loo wejahayo hubka dhigida Syria.
Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka John Kerry ayaa si adag uga hadlay dardar gelinta hubka dhigida Syria.
Halka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushku Sergey Lavrov uu si lidi taa ku ah uga hadalay kiyoo dalbaday in xaalada wadahadal lagu dhameeyo.
“Qorshahani ma aha mid ciyaar ah,waa in uu noqdaa mid taabagala,muuqda,lana dar dargeliyo,hadii taa la waayana waa in ciqaabi jirtaa”ayuu yiri Xoghaye John Kerry.
“Arrinka waa in aan dagaal lagu xalin,oo sida madaxweynaha Mareykanku sheegay la helaa fursad diblomaasiyadeed”ayuu yiri Sergey Lavrov.
Xoghaye Kerry ayaa gunnaanadkii shir wada jir ay ugu qabteen saxaafada waxa uu turjumaankii Ruushka ka dalbaday in uu ugu soo celiyo hadalkii uu shirka ku soo xiray Sergey Lavrov.
Kolkii ay muuqatay in turjumaanku aanu si deg dega hadalka ugu celineyn ayuu wasiir Sergey Lavrov af ingiriisi ku yiri “John maan oran wax aad ka wererto,wax waliba waa caadi”
Kerry ayaa taa uga jawaabay “miyaan rumeystaa oraahdaada?,miyaaney deg deg yara aheyn?. ayuu yiri Kerry,kolkuu intaa yirina waxa ay aheyd goor ay labada masuul qoslayeen.
Macaamilka labada Masuul iyo dawladaha ay ka tirsan yihiin ayaa waxa ay u muuqdaan mid muujineysa in uu jiro shaki iyo tartan ku saabsan cida awood sareysa labada dal.
SDN-Geneva
contact@somalidiasporanews.com