Kulan Looga Soo Horjeedo Dar Dargilinta Shirka Maamul Usameynta Hiiran iyo Sh/Dhexe Oo Beledweyne Lagu Qabtay DAAWO
Beledweyne 02.Sep 2016 (SDN/QJ):- Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen ugaas yada gobolka hiiraan wax garadka gobolka iyo qeybaheeda kala duwan ee bulshada beledweyne ayaa waxaa lagu qabtay magalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan
ujeedka kulanka ayaa ahaa in bulshada gobolka hiiraan kaga soo horjeedeen war ka soo yeeray urur goboleedka IGAD kaasoo Ahaa in 3 september uu ka furmi doono magalada jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe.
afhayeenka ugaas yada gobolka hiiraan oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa sheegay in bulshada reer hiiraan aaney raali ka aheyn shirkaasi la iclaamiyay waxana uu eedeeyay igad oo uu ugu baaqay in ay ka fogaato waxyaabaha bulshada isku diri kara.
waxaa sidoo kale uu sheegay in reer hiiraan ay shirkaasi diideen oo aaney raali ka aheyn kana qeyb gali doonin dhibaatadii ka timaadna masuuliyadeeda ay leedahay cida dhistay maamulkaasi waxaa uu uga digay bulshada labada gobol in aaney u dul qaadan in dhibaato laga dhax abuure oo aaney qaadan wax cawaaqib xumo dhalin kara.
sidoo kale waxaa gobta ka hadlay ugaas xasan ugaas khaliif ugaas roooble waxaa uu sheegay in IGAD waxii ay kala hadleen iyo waxa kaso baxay ay kaaf iyo kala dheeri yihiin waxaa uu sheegay in IGAD ay dhibaato ka wado maadaama sida uu sheegay uu yiri wax loo dhama la yiraahdo looma istaagayo shirkana uu furmayo sabtida soo socota hadalkaasi uu bulshada reer hiiraan u arkeen mid gaf ah.
ugaas xasan ugaas khaliif ugaas rooble ayaa ugu baaqay dowlada soomaaliya in ay dadka ay masuulka ka tahay ay cadaal u fasho waxana sidookale bulshada reer hiiraan ugu baaqay in ay cadeeyaan moowqifooda iyo rabitaankooda.
sidookale waxgardka iyo odayaasha dhaqanka ayaa goobta ka hadlay waxana ay sheegeen in ay taageersanyihiin oo ay la qabaan moowqifka ugaasyadooda