Kulan looga hadlayay xaaalada aminiga oo Muqdisho lagu qabtay
Muqdisho August 06, 2023 (QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir-gudoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka, kaas oo looga hadlay hirgelinta qorshaha amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay doorka Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida ee sugidda amniga dalka iyo sidii loo sii wadi lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada ay Al-Shabaab ka taliso. Waxa uu carabka ku dhuftay sida ay ugu adkeysanayaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka go’an tahay in ay ku noolaadaan nabad iyo barwaaqo, dib u dhis ay ku sameeyeen magaalooyin iyo degmooyin burburay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale sheegay inay ka go’an tahay hoggaanka amniga, maadaama ay ka shaqeynayaan sidii loo heli lahaa caasimad ammaan ah, isla markaana loo fidin lahaa ilaalinta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Shacabka ayuu ku booriyay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamadooda.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirada Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Gaashaandhigga, Diinta iyo Awqaafta iyo sidoo kale Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.