Kulan Looga Hadlayay Amaanka oo maanta Muqdisho ka dhacay
Muqdisho March 23 2013 (SDN)— Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliyeed C/kariim Xuseen Guuld ayaa maanta kulan ku la qaatay Magaalada Muqdisho Hay’adaha Amanaka iyo Gudoomiyaha degmooyinka gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay Amaanka dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyadoo dhinacyadii ka qeybgalay ay isweydaarsadeyn Arrimo badan oo quseeya Amaanka iyo Nabadgalyada.
C/kariim Xuseen Guuleed oo la hadlay Warfidiyeenka kulanka kaddib ayaa waxa uu sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa Adkeenta Amaanka gobolka Banaadir iyo degmooyinkiisa waxaana uu intaasi ku daray in dhamaan mas’uuliyiintii ka soo qeybgashay warbixino la xiriira Amaanka laga dhageystay.
Wasiirku waxa uu intaasi sii raaciyay In Amaanka Magaalada Muqdisho uu aahaa mid liitay, balse hada wixii ka danbeeyay aan loo dulqaadan doonin sii socoshada falalka Amni daro ee ka jira Magaalada .
Mr. Guuleed ayaa Amar ku bixiyay in Ciidamadu ay sameeyaan feejignaan dheeri ah islamarkaana ay wax ka qabtaan dhibaatada hada ka taagan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Qaar kamid ah guddomiyayaashii ka qeybgalay kulankaasi iyo walib saraakiishii oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay balanqaadeen wax ka qabashada Amaanka Muqdisho.
Si kastab, Maalmihii la soo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay falal Amniga Lidi ku ah, waxaan lagu arkayay Muqdisho medadka dad sixun loo dilay oo la soo dhigayay.
SDN-Muqdisho