Kulan lagu waday in uu dhaxmaro Madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Iran oo Baaqday,maxey tahay sababta?
New York Sept 25,2013(SDN)-Kulan lagu waday in uu xarunta Qaramada Midoobey ee New York madaxweyneyaasha dalalka Mareykanka iyo Iran ayaan qabsoomin.
Madaxweyneyaasha ayaa todobaadkan ka qeybgelaya kulnka xubnaha Qaramada Midoobey uga socda NY.
Waxaana lagu waday in ka dib kolkii madaxweynaha Iran Xasan Rooxaani uu muujiyay debecsanaan faro badan oo ku wejahan qodobo ay Mareykanka isku hayeen.
Balse waxa ay Mareyknku shaaciyeen in madaxweynahoodu diyaar u yahay in uu kulan kooban la yeesho madaxweynaha Iran.
Waxase arinkaa ka gaabsaday madaxweynaha dalka Iran Xasan Roxaani oo sheegay in kulanku deg deg ku yahay isla markaana aan iminka uu munaasib aheyn.
Warbaahinta Mareykanka ayaa hadal heyntooda laga dhadhansanayay niyad jab in madaxweynahoodii la diiday in lalal kulmo.
Caadiyan madaxda caalamka ayaa aad ugu dedaala kulan ay la wadaagaan madaxweyne Obama.
Si kasta oo ay tahayna waa markii u horeysay mudo aad u dheer in xitaa la isla soo qaado kulamo dhex mara madaxda labada dal ee Iran iyo Mareykanka.
SDN-NY
contact@somalidiasporanews.com