Kulan lagu Shaacinayay Ganacsatada Ku Guulaysay Mashaariic Maalgashi oo Hargaysa lagu qabtay
Hargaysa 09.June (SDN) Wasiirka wasaarada Qorshaynta Qaranka ahna Gudoomiyaha Gudiga la tashiga mashruuca Deeqaha ee GAP Dr,Sacad Cali shire,ayaa ka qayb galay shir jaraa’id oo maanta magaalada Hargaysa ay ku qabteen Maamulka Maalgashiga ee SBF oo ay ku shaaciyeen ganacsatadii ku guulaystay deeqihii waaweynaa ee wareegii kowaad iyo bixinta 21 mashruuc oo ka mid ah codsiyo hore loo soo gudbiyay.
ku simaha maamulaha maal-gelinta SBF Mr,Jim Duncan,oo ugu horayn shirkaa jaeraa’id ka hadlay, ayaa waxa uu ka waramay mashaariicdii ku guulaysatay deeqihii waaweynaa ee wareegii kowaad.
Mr, Jim waxa kale oo uu sharax ka bixiyey deeqaha la siinayo kow iyo labaatan mashruuc oo ka tirsanaa saddex iyo afartan Codsi oo hore loo xushay.kow iyo labaatankaas mashruuc oo la siin doono deeq dhan 2.5 milyan oo dolar. waxaana Deeqahani ay dhalinayaan ay dhalinayaan abaabul maalgashi cusub oo gaadhaya 8.4 Milyanoo Dollar.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada qorshaynta Qaranka ahna Gudoomiyaha Guddiga la tashiga deeqaha Dr.Sacad Cali shire. Waxaanuu wasiirku u mahad celiyey dalalka mashruucan ka gacan gaysanaya iyo Baanka aduunka, waxana uu xusay in mashaariicdani ay faa’iidooyin badan leeyihiin oo ay ka mid yihiin, Shaqo abuur, maal gashi iyo ilo wax soo saar.
Maamulka Maalgelintu Waxa shirkaa jaraa’id ay ka sheegeen guud ahaan marka laysku soo duubo in 59 deeqaha yar-yar ah iyo 21Ka deeqaha waaweyn ah oo gaadhaya 4.6 Milyan oo dollar in laga filaayo inay abuuraan shaqooyin cusub.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com