|

Kulan lagu naaqishayo Xeerka Saxaafadda Somaliland oo ka furmay Hargeysa

Hargeysa 17, July 2012 (SDN)- Wasiirka Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa maanta kulan hal maalin ah u furay inka badan 30 suxufi oo ka kala socday ururada Saxaafadda Somaliland iyo hay’addaha warbaahinta dalka.

Kulankan oo lagu naaqishayo xeerka Saxaafadda Somaliland ee xeer No.27/2004, waxa soo qabanqaabiyay Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa, taasoo soo bandhigtay deraasad ay ka samaysay goldaloolooyinka xeerkaas, waxyaabaha uu ku wanaagsan yahay iyo sida ay xukuumaddu marmarka qaarkood ugu xadgudubka xoriyatul-qawlka.

Ugu horayn, Hormoodka kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa Prof. Maxamuud Xuseen Faarax oo hadal ka jeediyay halkaas, waxa uu iftiimiyay in ujeedada ay kulankan halka maalin ah u qabteen ay tahay sidii la isula eegi lahaa xuquuqda, masuuliyadda iyo xadidaada xorriyada Saxaafadda. Waxa uu sheegay in ujeedada ugu wayni tahay si ay cilmiyan u iftiimiyaan meelaha uu muruga saxaafadda iyo xukuumadda u dhexeeyaa ka yimaado ee xeerka Saxaafadda dalka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mr. Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlay kulankaas, waxa uu sheegay inay lama-huraan tahay in la helo Xukuumad iyo saxaafad xor ah oo oo isla jaanqaada si loo xaqiijiyo horumarka uu samayn karo wadankani.
Wasiirku waxuu sharaxay in hadii Xukuumaddu weydo cid toosisa oo tilmaanta ay suuragal tahay in ay fadhiid noqoto, sidaana lagu waayo horumarkii loo baahnaa, halka sidoo kalena uu wasiirku xusay in saxaafadu xiliga ay wax toosinayso looga baahan yahay in sawir qoraal iyo maqal kasta oo ay baahinayso  uu huwan yahay milgaha saxaafadeed, asturaadiisii iyo dhaqankiisa intaba.
Wasiirka oo ka hadlayey mowqifka xukuumadiisa ee ku aaddan hanaanka saxaafadda iyo xeerarkeeda ayaa sheegay in Xukuumadda maanta jirtaa ay diyaar u tahay in wax laga sheego, si ay isu toosiso oo ugu baraarugto, iyadoo hadafka guud yahay sidii aynu u wada noolaan lahayn.
Ugu dambayntiina Wasiirka wasaaradda Warfaafintu waxuu mahadnaq u jeediyey Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa oo soo qabanqaabisay aqoon iswaydaarsigaas.

Guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu soo dhaweeyay kulamada noocan ah. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in xilligan ay cabashada warbaahinta laga qabaa soo badanayso, marka loo eego cabashada xukuumadda laga tirsanayo, wuxuuna gefafka saxaafadda ka imanaya ku macneeyay aqoon-darro haysata bahda warbaahinta. Sidoo kale, waxa uu iftiimiyay sida ay la tahay in lagaga bixi karo arrimaha muruga keenaya.

Hase yeeshee, Xoghayaha Guud ee SOLJA Mr. Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo hadal kooban ka jeediyay kulankaas, waxa uu sheegay in cabudhinta ay xukuumaddu ku hayso saxaafadda xorta ah ay haatan halkii ugu xumayd marayso, isla markaana aan loo baahnayn in la farogeliyo xeerka Saxaafadda, xilli aanay bahda warbaahintu diyaar u ahayn.

Ka sokow suxufiyiinta ka socotay qaybaha warbaahinta, kulanka waxa ka qaybgalay xubno Sharci-yaqaano ah iyo masuuliyiin ka kala socotay qaar ka mid ah ururada Saxaafadda Somaliland, sida SOLJA, SOMEPED iyo WIJA.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed