|

Kulan lagu falanqaynayo dardargalinta hawlaha Wacyigelinta iyo baafinta ee Ururka bisha Cas

Hargaysa 11.March (SDN)   Shir howleed socon doona mudo laba maalmood ah,  lagagana  hadli doono horumarinta howlaha  Baafinta iyo wacyi-gelinta  Bisha cas ee somaaliland,kana soo qayb galeen Gudoomiyayaasha  gobolada  iyo maamulayaasha xafiisyada  baafinta iyo waxcyi-gelinta  ee Gobolada iyo degmooyinka  qaarkood  ayaa maanta  lagu qabtay Huteel maansoor ee magaalada Hargeysa.

Furitaanka shir howleedkan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka socda Hay’ada  caalamiga ah ee Laan-qayrta Cas, waxa ugu  horayn halkaa ka hadlay Gudoomiyaha  Bisha Case e Somaaliland Mud,Axmed Cabdi Bakaal, waxaanuu sharax dheer ka bixiyey howl-qabadka bisha cas iyo  dedaalkeeda ku wajahan  horuumarinta howlaha  ay bisha Casi qabato, in ksata oo uu sheegay in  ay  jiraan degmooyin  haatan gobiolo ah oo aanay  masuuliyiinta u joogaa lahayn xafiis Rasmioya, isla markaasina  aanay guno qaadan,arimahaasi wax ka qabashadooduna ay u taalo ayuu yidhi  Mud, Bakaal  hay’adda laan-qayrta Cas.

Axmed cabdi Bakaal Gudoomiyaha Bisha Case e S/land  oo ka hadlayey ujeedada  shir-howleedkan waxa uu sheegay in  lagu falan qayn doono mudada uu socdo    dar-dargelinta  Howsha baafinta iyo  Wacyi-gelinta, waxaanuu xusay ,in howshani ay tahay  dhaqanka  Gundhiga u ah howlaha  Bilaha Cas iyo laan-qayrta Cas. Rtaasi oo uu xusay in horumarinta howsha  wacyi-gelinta iyo Baafintu ay  tahay  ta ay ku jirto horumarinta Ururka Bisha Cas. Waxaanuu ka qayb-galayaasha u soo jeediyey inay ka faa’iidaystaan mac-luumaadka lagu qaadan doono  shir-howleedkan,  howlahooda shaqo-na ay ku dabaqaan mac-luumaadka ay ka  korodh-sadaan.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay  Madaxa xafiiska  Baafinta Bisha Cas Mud, C/llahi siciid Muxumed.waxaanuu  tafaasiil ka bixiyey  ujeedada qabashada shir-howleedka  iyo ujeedada qabashadiisa. Waxaanuu   halkaasi mahad-naq uga soo jeediyey  ka soo qayb galayaasha  shir-howleedkan.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed