|

Kulan lagu darsayo Sidii Macluumaad Sugan looga Heli lahaa Heerka ay Faro Xumaynta Haweenku ka Marayso Somaliland oo Hargaysa ka Furmay

Hargaysa 28.Dec 2013 (SDN)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa maanta magaalada hargaysa ka furtay aqoon isweydaarsi ku saabsan sidii xog sugan looga heli lahaa heerka ay Somaliland ka marayaan faro xumaynta haweenka iyo ku taccadiga caruurta.

Shugri XariirAqoon is weydaarsigan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka suxufiyiinta ee WIJAayna ka qayb qaadanayaan qaybaha warbaahinta, wasaaradda diinta iyo awqaafta, ciidamada asluubta, Fanaaniinta qaranka, ururka qareenada Somaliland iyo hayadaha ku hawlan arimaha hooyada iyo dhallaanka.

Marwo shukri xariir ayaa kulankii furutaanka aqoon isweydaarsigaasi waxa ay ka sheegtay in dhaqanka iyo diinta islaamka midna aanu ogolayn in la gaysto taadiyada caruurta, waxana ay ka digtay in faro xumaynta haweenku ay qayb ka qaadan karto fiditaanka cudurada sida HIV AIDS, waxana ay bulshada ugu baaqday inay gacan buuxda ku siiyaan hay’adaha garsoorka dalka wax ka qabashada falalka noocaas ah. Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshaduna ay xeerar cad ka leedahay arimahaasi, isla markaana aan loo baahnayn in dibadda lagu dhammeeyo.

Madaxa mashaariicda ee ururka WIJA Ayaa C/risaaq Jaamac ayaa ka hadashay ujeeddada ay ka leeyihiin aqoon isweydaarsigan kaasoo ay ku tilmaantay mid gacan ka gaysanaya sidii wax looga qaban lahaa tacadiyada ka dhanka ah haweenka sida faro xumaynta iyo waxyaabaha la xidhiidha.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed